Kim Jong Un oo gaarey Vietnam iyo Trump oo ku wajahan [Warbixin]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

Hogaamiyaha Kuuriyadda Waqooyi, Kim Jong Un ayaa maanta gaarey wadanka Vietnam, halkaasi oo lagu wado inuu dhamaadka bishan kulankiisa labaad kula yeesho Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump.

Kim Jong Un ayaa safar dhinaca dhulka ah ku tagey Vietnam, iyadoo amnigiisa aad loo adkeeyay oo dusha ka ilaalinayeen diyaaradaha dagaalka dalkiisa.

Hogaamiyaha Kuuriyadda Waqooyi ayaa kulan labo maalmood qaadan doona [27 iyo 28-ka Febuary] kula qaadan doonaa Madaxweyne Trump magaaladda Hanoi.

Kim ayaa la dejiyay hotel amnigiisa aad loo sugayo oo lagu magacaabo Melia Hotel, kaaso oo sidoo kale uu degi doono Trump oo l filayo in caawa uu gaaro caasimadda Vietnam.

Diyaaradda Trump ee Air Force One waxay sii martay dalka Qadar, oo shidaal ka qaadatey, iyadoo kusii jeed Vietnam, sida lagu sheegay war kasoo baxay White House-ka.

Sidee bilood kahor, labada hogaamiye ayaa ku kulmay dalka Singapore, kulankaasi oo noqday midkii ugu horeeyay oo Madaxweynaha haya talada Mareykanka la qaato hogaamiye Kuuriyadda waqooyi ka socda.

- Ajandaha Shirka Kim-Trump ee Vietnam -

Caalamka oo dhan ayaa isha ku haya Kulanka Kim Jong Un iyo Trump ee dalka Vietnam February 27-28, kaasoo la filayo in diiradda lagu saaro barjaaminka Niyukleerka Kuuriyadda Waqooyi iyo cunaqabateynta saaran dalkaasi.

Trump ayaa kala hadli doona Kim sidii dalalka ku yaalla gacanka Kuuriya [Korean Peninsula] looga dhigi lahaa meel ka caagan hubka wax-gumaadda ee Niyukleerka iyo joojinta farsameynta iyo tijaabinta gantaallada ridada dheer ee Pyongyang.

Ajandaha waxaa kamid ah sidii labada dalka [Mareykanka iyo Kuuriyadda Waqooyi] isagu celin lahaayeen meydadka Askartii ay isaga dileen dagaalkii dhexmaray 1950 ilaa 1953-dii.

Waxaa la filayaa in Kim Jong Un iyo Madaxweyne Trump ayaa la filayaa inay heshiis dhaxal-gal ah ku kala saxiidaan shirkooda magaaladda Hanoi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM