Kim oo kasoo muuqdey "fagaare" xilli shaki la geliyey badqabkiisa

Image

PYONGYANG, NK – Hogaamiyaha Kuuriyadda Waqooyi, Kim Jong-un, ayaa Sabtidii markii ugu horeysay kasoo muuqdey goob bulsho ah muddo 20 asbuuc ah kadib xilli ay jiraan xan badan oo la xiriirta caafimaadkiisa.

Warbaahinta ku hadasha afka xukuumadda Pyongyang ayaa fahfaahin ka bixisay meesha uu kasoo muuqdey 36-sano jirkaan.

"Kim wuxuu ka qeybgalay xaflad lagu xusay dhammaystirka warshad bacrimin ah oo ku taala magaalada Sunchon ee Koonfurta gobolka Phyongan," ayay wakaaladda Yohnap kasoo xigtay saxaafadda.

Bishii lasoo dhaafay ee April 11-keeda ayay ahayd markii ugu dambeysay ee la arkay Kim. Waqtigaas wuxuu gudoominayey shir xafiis-siyaasadeed uu yeeshay xisbiga shaqaalaha ee talada wadankaas haya.

"In uu ka maqnaaday munaasabadihii loogu dabaaldegayey dhalashada 108aad ee awoowgiisa ahna aas-aasaha Kuuriyadda Waqooyi, Kim Il-sung, oo dhacday 15-kii April waxay sababtay hadalheyn ku saabsan caafimaadkiisa," ayay Yonhap raacisay.

Ku dhowaad saddexdii todobaad ee lasoo dhaafay ayay warar aan la xaqiijin sheegayeen in uu Kim u geeriyooday qaliin lagu sameeyay markii uu ku batay cayilka, sigaar-cabista iyo cuduro kale.

Warkaan hadda soo baxay ee tilmaamaya in Kim Jong-un uu meel bulsho ah kasoo muuqday todobaadyo kadib ayaa meesha ka saaraya xantaas, wallow ay calaamad su'aal gelinayaan qaar kamida mucaaradkiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM