Kooxdii ugu horeysay caruur ku xanniban Godka Thailand oo lasoo saaray

Image
Image
Image
Image
Image
Image

THAILAND - Lix xubnood oo kamid ah 12 wiil oo ku xannibnaa mudo labo todobaad ah god biyo ugu galay waqooyiga dalka Thailand ayaa lasoo badbaadiyay maanta oo axad ah.

Kooxaha samatabixinta iyo quusiyaal caalami ah, ayaa sameynaya dedaallo xooggan, oo lagu doonayo in dibada loogu soo saaro caruurtan oo ah ciyaartoy da’yar ah iyo tababarahooda.

Xilli sii horeysay labo wiil oo kale ayaa lasoo samatabixiyay kadib markii quusiyaasha ay galeen gudaha godka howlgal lagu tilmaamay mid halis badan oo lagu soo badbaadinayo caruurta iskuulayda ah.

“Labo wiil ayaa hadda lasoo saaray. Waxaa hadda la dhigay Isbitaal ku yaalla meel ku dhaw godka,” ayuu yiri Tossathep Boonthong oo ah madax waaxda caafimaadka magaalada Chiang Rai ee waqooyiga dalka Thailand.

Tossathep Boonthong oo la hadlay Reuters ayaa sheegay in u diyaar garoobeen kooxaha cafimaadka caruurta lasoo samatabixinayo kuwaasi oo xaaladoodu ay aad u liidato.

Quusiyaal ajnabi ah, oo gaaraya 13 kuwaasi oo 8 kamid ah laga keenay Australia ayaa isku dayaya inay caruurta oo da’doodu u dhaxayso 11-16 inta hartay ay dibadda usoo saaraan.

Dhaqtar u dhashay Australia oo qeyb ka ah howlhalka samatabixinta ayaa hubiyay caafimaadka lixda wiil ee laga soo saarey godka ay fatahaadda ku xirtay iridii laga baxayay.

Roobabka monsoon-ka oo hadda ka da’aya Thailand ayaa halis gelinaya howlgalka lagu soo badbaadinayo caruurta, waxaana kooxaha gurmadka doonayaan inay si deg deg ah ay usoo saaraan wiilasha haray.

Wiilashan ayaa labo todobaad kahor ku xirmay godka Tham Luang Cave oo ku yaalla gobolka Chiang Rai ee waqooyiga dalka Thailand xilli ay ku dhex socdaalayeen gudahiisa.

Howlgalka socda ayaa qaadan doona labo ilaa afar todobaad waxayna ku xiran tahay cimilada iyo roobabka da’aya haddii ay joogsadaan.

Caruurta ayaa la socda tababarahooda kubada cagta oo 25 jir ah, kaasi oo dhawaan soo diray warqad isagoo godka ku jira taasi oo uu waalidiinta caruurta uga raali geliyay inuu geliyay godka markii hore.

Kooxo caafimaad oo gaaraya 13 ayaa ku sugan dibada godka, kuwaasi oo mid kasta wata diyaarad helicopter ah gaadiidka ambalaaska, oo doonaya inay taageero caafimaad iyo gurmad u fidiyaan markii lasoo bixiyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM

Booliska Kanada oo lumiyay raadadka dahabkii ugu badnaa taariikhda dalkaas ee la dhaco

Dahab qiimihiisu gaaraya $16 Milyan oo Dollar ayaa sanadkii hore laga dhacay Shirkad ka dhisan Kanada.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:15AM