Maxaa keenay ciladda soo wajahday Facebook, WhatsApp iyo Instagram?

Image

WASHINGTON - Baraha Bulshada ay ku xiriiraan ee Facebook, WhatsApp, Instagram iyo Messenger ayaa soo wajahday cilladdii ugu weynayd, kadib markii ay mudo 14 saacadood ay hawada ka maqnaayeen.

Facebook oo ah shabakadda ugu ballaaran oo bulshada ku xiriirto caalamka iyo baraha kala ee lala leeyahay ayaa dadka isticaamala dunida oo dhan u shaqeyn waayay xalay.

Ciladdan oo ah mid aan horey loogu arag Shabakadahan soo gaartay illaa saaka oo Khamiis ah, waxaana xalay isticmaaliyaasha [Users] loo diray fariimo lagu wargelinayo in cilad ay jirto, oo lagu howlan yahay sidii lo xalin lahaa.

Dadka ku xiran barahan bulshada ayaa markii ay ciladda la kulmeen u weecday dhanka Twitter-ka oo hadal heyn [Trending] ka abuuray ciladda Facebook-ga oo saameyn ku yeelatay xiriirkooda 14 saacadood.

Waxay dadka Twitter-ka aadeegsanayeen #FacebookDown iyo #InstagramDown, oo ah Facebook iyo Instagram hawada ayay ka baxeen.

"Waan ka xunahay, cilad ayaa dhacday. Waxaan ka shaqeynaynaa in sida ugu dhaqsiyaha badan ee aan awoodno inaan ku xalinyo," ayaa lagu yiri fariinta Facebook-ka.

Cilladda mudada dheer ayaa nijad jebisay, islamarkaana khasaaro xooggan gaarsiisay shirkadaha ganacsigooda ku xayeysiista aaladaha Facebook iyo Instagram.

In ka badan 2.3 bilyan oo qof ayaa ku xiran Facebook, iyadoo Insatagram dadka isticmaala ay gaarayeen 1 bilyan, kuwaasoo ku kala sugan caalamka.

Wali Shirkadda Facebook fahfaahin kama aysan bixin sababta ciladda keentay, balse warbaahianta Mareykanka ayaa soo warisay in weerar Internet-ka lagu soo qaadey.

Wargeyska New York Times ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay baaritaan ku hayso Facebook, kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in Shirkaddan ay ku xad-gudubtay xogta gaarka ee boqolaal milyan oo kamid ah dadka ku xiran.

Facebook ayaa heshiis qarsoodi ah la gashay labo shirkadood oo kuwa Taleefoonada sameeyay, kuwaaso ay siisay macluumaadka Isticmaaliyaasheeda [Users] taasoo jebinaysa shuruucda Mareykanka ee xogta gaarka [Privacy policy].

Tan iyo doorashadii Mareykanka ee 2016, oo Trump kusoo baxay, Facebook ayaa wajahaysa eedeymo noocan ah, iyadoo ninka aas-aasay Mark Zuckerberg looga yeeray marar badan Aqalka Senate-ka dalkaasi, oo arrimaha su'aallo laga waydiiyay.

Mark Zuckerberg oo 34 jir ah ayaa kamid ah shaqsiyaadka ugu lacagta badan ee caalamka, waxaana uu haystaa 64.1 billion, iyadoo horumarkan uu gaarsiiyay Facebook oo ah barta looga isticmaalka badan yahay dunida.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM