Maxaa dhacey markii al-shabab weerartey saldhiga Kenya?

Image

GAROWE- Waxaa weli taagan su’aalo aan laga jawaabin oo ku hareereysan weerarkii ururka Al-shabaab la beegsadey Jimcihii la soo dhaafey 15 Jan, 2016 saldhig ciidamada Kenya ku lahaayeen degaanka Ceelcad ee ku yaala gobolka Gedo.

Dadka dagan degaanka Ceelcade ee gobolka gedo ayaa ugu horeyeey iney sheegaan in ururka Al-shabaab soo gaareen halkaas xilli ku began qorax soo baxa.

Weerarkaan oo ku bilowdey gawaari qaraxyo lagu soo xirey ayaa waxaa raacey dagaal kaasoo kooxdaani ku qaadey xerada ciidamada Kenya ee ku taal degaankaas.

Dad markhaati ah ayaa sheegey in weerarkaan markii ugu horeysay koox ciidamada Kenyaati ah ku dhinteen halka kuwo kale u baxsadeen keymaha ku dhowaa xeradaan balse saraakiisha ciidamada Kenya warbixin midaas ka duwan ayey bixiyeen.

Xeradaan ku taaley degaanka Ceelcade ayaa ka koobneyd labo qaybood halka mid kamid ah daganayeen ciidamada Somalida halka mida kale sandhig u aheyd xoogaga Amisom ee ka socda Kenya.

Saacado kadib markii weerarkaan bilowdey, Col David Obonyo oo afhayeen u ah ciidamada Kenya waxaa uu ku adkeystey in xerada ciidamada Somalida la weerarey- iyadoo ciidamada Kenya si deg deg isugu diyaariyeen iney difaacaan halka uu khilaafey sarkaal ka tirsan dowlada Somalia isaga oo idaacada BBC u sheegey in xerada ciidamada dhinaca Kenya la weerarey. Iyadoo maalmo laga joogo weerarkaan ma jirto cid sheegtey in khassare soo gaarey Somalida ku sugney halkaas, iyadoo jirin wax muujinayay in ciidamadaan ku sugnaayeen xerdaan marka dagaalkaan dhacayey.

Galinkii dambe ee maalintii Jimacaha 15 Jan, 2016 madaxweynaha Kenya ayaa saxaafada u sheegey in weerarkaan lala beegsadey xerada ciidamada Kenya dhinaca ay ka dagaanaayeen.

Dadka degan Ceelcade ayaa saxaafada u sheegey in dagaal yahanada ururka Al-shabaab calankooda ka taageen xeradaas dhinaca ciidamada Kenya ka daganaayeen iyaga oo sheegtey in 60 askari ku dileen weerarkaas.

Askarta dhimatey

Weli lama oga tirada saxa ah ee kooxaha Al-shabaab ku dilien weerarkaan halka maalintii Axada 17 Jan, 2016 waxaa diyarad lagu qaadey 20 askari oo qaba dhaawacyo kala duwan sidaas waxaa saxaafada u sheegey afhayeen u hadley ciidamada Kenya.

Wasiirka difaaca dowlada Kenya ayaa dhinaciisa sheegey in dagalkaan uu saameeyey cutub ka tirsan ciidamada KDF kaasoo tiradooda lagu qiyaasi karo inta u dhexeysa 80-250.

Al-shabab oo goor dambe la hadashey saxafada ayaa dhinaceeda sheegatey in weerarkan ku dileen ciidamo kor u dhaafaya 100 askari kadib markii ay ku baacsadeen haraagii ciidanka Kenya dhulka keymaha ah.

Talaadadii, sarkaal la hadlay BBC ayaa sheegey in 13 kamid ah ciidamada Kenya lagu arkey magaalo kale oo ka tirsan gobolka Gedo kadib markii dagaalkaan kasoo baxsadeen.

Ciidamada Kenya oo diyaarado kiciyey weerarkan kadib ayaa sheegey in howlgalkaan yahay mid adag madaama kooxda Al-shabaab ciidamada ay nolosha qabsadeen u isticmaalayaan in dagaalka iska xejiyaan.

Sawirada laga qaadey dagaalka

Arbacada, ururka Al-shabaab waxay saxaafada siiyeen sawiro ay ka qaadeen xerada weerarkaan ka dhacey kuwasoo aan la xaqiijin karin ayaa tusayey gawaari laga cararey, sanaadiiq ay kuwa saanada ciidanka ilagu rido yo maydka ciidamada Kenya oo qaba dareyskooda.

Joseph Nkaissery Wasiirka arrimaha gudaha oo ka hadlay sawiradaan ayaa sheegey in talaabo sharci ah laga qaadayo qofkii lagu arko isaga oo Facebook ku wadaagaya sawiradaan iyadoo loo arkayo inuu faafinayo dacaayada kooxaha argagixisada.

Ciidamada Kenya ayaa sheegey in warbixinta dhimasho iyo dhaawac bixin doonaan markii howlgalka lagu baadi goobayo askarta maqan dhamaado islamarkaana la ogeysiiyo qoysaskii ciidankaan.

Qoyasaska askartaan ayaa ka dacwoodey in hogaanka sare ee ciidamada Kenya u sheegin xaalada ay ku sugan yihiin dadkooda. 

Wadanka Somalia ayaa waxaa ku sugan ciidamada Kenya oo tiradooda gaareyso 4000 kuwasoo ka tirsan 22000 ee Amisom kuwasoo xafiiska ku haya dowlada madaxweyne Xasan Shiikh.

Madaxweynaha Kenya ayaa qirey in weerarkaan ahaa midkii ugu khasaaro badnaa ee soo gaara ciidamadiisa tan iyo intii gudaha u galeen wadanka Somalia 2011.

Warbixintaan waxaa tarjumey kana soo ururiyey saxafada warsidaha Garowe Online

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM