Bin Salman oo xiray xubo sare oo katirsan boqortooyadda Sacuudiga

Image

RIYADH, Sacuudiga - Boqortooyadda Sacuudiga ayaa xirtay labo xubnood oo katirsana qoyska reer boqo, kuwaasoo kala ah Axmed Bin C/casiis, oo ah walaalka ka yar dhaxal suge Maxamed Bin Salman iyo Maxamed Bin Nayef.

Maxmed bin Nayef waxaa adeer u ah boqor Salman. Waxa uu soo noqday wasiirkii hore ee arrimaha gudaha kahor inta aan xilka laga qaadin, sidoo kalena laga xayuubin dhaxal-suge-nimada sanadkii 2017.

Waxaa booskiisa Dhaxal-suge lagu bedelay Mohammed bin Salman, oo loo arkaa ninka ay ka go`do hadda talada wadanka Sacuudiga, waxaana dhowr jeer uu xabiga dhigay shaqsiyaad awood ku leh dalka.

Wargeyska kasoo baxa Mareykanka, ee “The Wall Street Journal “ ayaa sheegay in xubnahaee katirsan qoyska reer boqor la xiray markii looga shakiyay inay maleegayeen afgemi ka dhan ah boqortooyada.

Sidoo kale wargeyska Bloomberg ayaa sidoo kale soo wariyay in Axmed Bin C/casiis iyo Maxamed Bin Nayef lagu soo eedeeyay “qiyaanno-qaran” kadibna uu Maxamed Bin Salman amar ku bixiyay in la xiro.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay boqortooyadda Sacuudiga, oo ku aadan xariga labada amiir.

Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ayaa 2017 qaaday tallaabooyin uu awooddiisa ku ballaarinayo, isagoo dhamaadka sanadkaas ku xiray hotel-ka Ritz-Carlton oo ku yaalla Riyadh xubno sare.

Xubno katirsan qoyska boqortooyadda ayaanan ku qanacsanayn habka uu dalka u maamulayo Maxamed Bin Salman, oo 34 jir ah, kaasoo aabihiisa Salman siiyay awoodo dheeri ah, oo uu wax badan ku bedelay.

Maxamed Bin Salmaan ayaa dhaawac weyn kasoo gaarey sumcadiisa dilkii Wariye Jamal Khashoggi 2018 loogu geystay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul, iyo weeraradii goobaha saliida laga soo saaro.

“Fashilka laguma eedeyn karo qoyska reer boqor oo dhan, ee waxaa mas’uul ka ah boqor Salman iyo wiilkiisa. Yemen iyo meelo kale, rajadeenu waa in lasoo afjaraa dagaallada Sacuudiga hormuudka u yahay,” ayuu yiri Axmed Bin C/casiis kahor inta aan la xirin.

Diblomaasiyiin reer galbeed ah iyo saraakiil Sacuudiga u dhashay ayaa sheegay in qoyska reer boqor xubnaha katirsan, aanay kasoo horjeysan Karin Maxamed Bin Salman inta uu aabihii noolyahay.

Boqor Salman oo 84 jir ah ayaa la rumeysan yahay inuu awoodda gacanta u geliyay wiilkiisa yar Maxamed Bin Salman, kaasoo xiriir dhaw la leh Mareykanka iyo dalalka kale ee reer galbeedka.

Sacuudiga ayaa xilligan wajahaya caqabado dhowr ah, oo kala kulmay howlgalka Yemen iyo xiisadda kala dhaxeysa Iran, xilli Maxamed Bin Salman uu wado isbedello dhinaca siyaasadda iyo dhaqaalaha dalkaasi.

Dalka uu hadda gudoomiye u yahay dalalka ku midoobey G-20, oo ah kuwa ugu horeeya dhaqaalaha caalamka, waxaana Maxamed Bin Salman lagu amaaney inuu wax badan ka bedelay xanibaado saarnaa bushada dalkiisa, isagoo albaabada u furay maalgashiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM