Qaababka Al-Shabaab weerar uga fulin karto Mareykanka oo farta lagu fiiqey

Image

WASHINGTON, US – Xoogaga gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida ee Al-Shabaab ayaa maleegaya weerar lamid ah kii daaraha mataanaha oo ay ka fuliyaan Mareykanka, sidda lagu daabacay New York Times.

Majaladda ayaa saraakiil iyo dad odorasa arrimaha argagixisada kasoo xigatay laba qaab oo kooxdu ugu suurtageli karo qorshashaas.

Xeeladaha ayaa kala ah; in ay adeegsato Soomaalida ku nool gudaha Mareykanka iyo dagaalameyaasha ku sugan bariga qaaradda Afrika.

Wallow ay hadda kordhi karto, xog-uruurin la sameeyay 2010-kii ayaa xustey in Soomaalida ku dhaqan Mareykanka ay yihiin 150-kun. Inkastoo ay jiraan goobo kale, Minnesota waa magaalada ay ku badan yihiin.

Qormada wargeyska NYT ayaa imaaneysa xili taliska Mareykanka ee qaarada Afrika uu cod dheer ku sheegay in khatarta Ameerikaanka kaga imaaneysa Al-Shabaab ay ka sareyso siddii ay ahayd sanado kahor.

Digniintaas ayaa kusoo hagaagtay bilo kamid markii amiirka Al-Shabaab, Abuu Cubeyda, oo muuqaal soo duubay 2019-kii, uu xubnaha taabacsan ku booriyey in ay Ameerikaanka ku dilaan meeshii ay ku arkaan.

Fariintaas ayaa lamid ah mid uu sanadkii 1996-dii uu soo saarey Osama bin Laden, aas-aasihii Al-Qaacida oo fulisay weerarkii daaraha mataanaha ee 2001-dii, kaasoo sababay geerida dad ka badan saddex kun.

Qorshaha ay Al-Shabaab la damacsan tahay Mareykanka waxaa sii xoojiyey markii Philippine lagu qabtay muwaadin Kenyan oo kooxdaas ka tirsan kaasoo baranayey sidda loo afduubtay diyaaradaha.

Safaarada Mareykanka Kenya ayaa bilowgii 2020 ka digtay weerar culus oo ay Al-Shabaab ku beegsato huteel si weyn loo booqdo oo ku yaala Nairobi, si lamid ah diyaarado ay xadka Soomaaliya kusoo rido kooxda.

Warbixinta jaraa'idka afka dheer ayaa waxay intaas ku dartay in Al-Shabaab ay bilooyinkii u dambeeyay wadeen uruursashada hub u sahlaya in ay soo ridaan diyaaradaha, gaar ahaan nooca lagu sameeyo China.

Al-Shabaab waa garabka ugu weyn Al-Qaacida ee Afrika. Sanadkii hore 2019-ka, waxay Soomaaliya ku dileen in ka badan laba kun oo ruux, sidda lagu sheegay warbixin ay daabacday hay'ad fadhigeedu yahay UK.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM