Qofkii ugu da'da weynaa dunida oo geeriyootay [Sawirro]

Image
Image
Image
Image

TOKYO - Nabi Tajima, oo ahayd qofka ugu da'da weyn caalamka ayaa ku geeriyootay koonfurta wadanka Japan iyadoo 117 sano jir ah, sida ay xaqiijisay warbaahinta dalkaasi.

Buuga lagu diwaan galiyo dhacdooyinka caalamka "Guinness World Records" ayaa 2017 u aqoonsaday Nabi Tajima oo u dhalatay Japanu inay tahay qofkii ugu da’da weyn dhamaan dadka ku nool dunida.

Nabi Tajima, waxay dhalatay August 4, 1900, waxayna ku dhimatay shalay [21-ka April, 2018] Isbitaal ku yaalla Jaziiradda ay ku dhalatay ee gobolka Kagoshima, oo dhaca Koonfurta dalka Japan.

Haweenaydan ayaa 2015 noqotay qofka ugu da'da weyn dalka Japan, kahor inta aan uusan geeriyoon Violet Brown oo ahayd qofkii ugu da'da weynaa, oo kasoo jeeda Jamaica 2017 iyadoo 117 jir ah.

Japan ayaa ku caan baxay inay ku nool yihiin dadka caalamka ugu da'da weyn, iyadoo dowladda ay sheegtay in ku dhawaad 68,000 oo qof oo da'doodu ay ka weyn tahay 100 sano ay hadda ku nool yihiin wadanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM

Booliska Kanada oo lumiyay raadadka dahabkii ugu badnaa taariikhda dalkaas ee la dhaco

Dahab qiimihiisu gaaraya $16 Milyan oo Dollar ayaa sanadkii hore laga dhacay Shirkad ka dhisan Kanada.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:15AM