Qorshaha Trump ee bariga dhexe oo wajahaya "weji gabax horleh"

Image

WASHINGTON, US - Midowga Yurub ayaa diiday qeybo ka mid ah qorshaha Mareykanka ee nabadda Bariga Dhexe, ayaga oo sheegay inuu burinayo “qaacidooyinka caalamiga ah ee la isku raacsan yahay,” islamarkaana dhul kasta oo Falastiin ay leedahay oo Israel ay ku darsato uu noqon doono mid laga horyimaado.

Qorshaha madaxweynaha Donald Trump uu ku dhowaaqay toddobaadkii tegay, oo loogu magac daray “Heshiiska Qarniga”, ayaa wxaaa si diiran usoo dhoweeyey Israel, waxaase ka hor-yimid Falastiiniyiinta.

Waxa uu Israel siinayaa inta badan wixii ay sanado ku raadineysay dagaal, oo ay ku jiraan dhammaan dhulalkii Falastiin ee ay deegaanada ka sameysay.

Midowga Yurub oo inta badan ay waqti dheer ku qaadato inay ka ajwaabaan arrimaha caalamiga ah, sababo la xiriira inay isku raacaan dhammaan 27-ka dal ee xubnaha ka ah ururka, ayaa toddobaadii tegay sheegay inay darsayaan qorshaha Trump, ka hor inta aysan go’aan ku dhowaaqin.

Waxay maanta ku dhowaaqeen go’aankooda, ayada oo lagu sheegay bayaan kasoo baxay madaxda siyaadda arrimaha dibedda Josep Borrell.

“Si loo dhiso caddaalad iyo nabad waarta, arrimaha weli taagan ee aan la xalin waa in go’aan looga gaaraa wada-hadallo u dhaxeeya labada dhinac,” ayuu yiri Borell, isaga oo xusay xuduudaha dal Falastiin iyo maqaamka magaalada Qudus, iyo arrimaha kale ee weli lagu muransan yahay.

“Hindisaha Mareykanka, sida lagu soo bandhigay 28-kii Janaayo, wuxuu ka tagayaa qaacidooyinka caalamiga ah ee la isku raacsan yahay,” ayuu yiri Borell.

Tallaabooyinka Israel ay ku qaadaneyso dhul Falastiin, “haddii la fuliyo, ma noqon doonaan kuwa aan laga hor-iman,” ayuu yiri Borell.

Siyaasadda Midowga Yurub ee Bariga Dhexe ayaa inta badan ah mid ku dhisan taxaddar, maadaama ururkan ay ku jiraan dalal kala taageera Falastiin iyo Israel.

Xubno ka mid ah ayaa Falastiin u aqoonsan dal, inkasta oo ururka uusan ku raacsaneyn, kuna baaqo in arrintan wada-hadla lagu xaliyo.

Midowga Yurub wuxuu horey u cambaareeyey go’aanka Trump uu 2017-kii Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Israel.

VOA + GO

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM