Sababta hogaanka haweenka ah ugu wacan yihiin ka hortagga Covid-19?

Image

WASHINGTON, US – Todobaadyaddii lasoo dhaafay waxaa doodo xiiso leh dhaliyey qormooyin laga sameeyay doorka muuqda ee hogaamiyeyaasha haweenka ah ka cayaareen xakameynta fayruska halista ah ee Corona.

Badi ciwaanada sheekooyinkaas ayaa xoojinayey in hogaanka dumarka ah ay si ka wanaagsan madaxda ragga ah ula tacaaleen dhibaatada caalamiga ah.

Marka aan eegno wadamadda si wacan ula diriray safmareenkan waxaa madax u ah haween. Si lamid ah, hogaamiyeyaasha go'aan-qaashada ugu wanaagsan iyo kan ugu nabdoon sameeyay waa kuwa dumarka ah.

New Zealand

Dalkan ay ra'iisul wasaare ka tahay Jacinda Ardern waa mid kamid ah wadamada go'aanada ugu dhaqsiyaha badan ee xuduudaha lagu xiray guud ahaan caalamka qaatay iyo go'doominta dadweynaha.

Balse kuma aysan khasaarin, sarre-u-kaca kiisaska xanuunka ee maalinlaha ayaa xitaa ka yar 1%. Intaas waxaa wehlisa ma jirto istaraatiijiyad cadaadineysa dadweynaha, sidda ay sameeyeen wadamadda qaar.

Ardern ayaa safka hore kaga jirta dedaalada uu waddankeena uga hortagayo in uu caabuqa ku faafo isla markaana uu sababo waxyeelo.

Germany

Qarankaan ay hogaamiso Angela Merkel ayaa durba isku-dabariday hanaan jawaab celin, waana dalkii ugu horeeyay ee dhaca qaarada Yurub ee sidda ugu dhaqsiyaha badan xanuunka kaga tijaabiyey dadkiisa.

Qiyaas ahaan, guddiga baaritaanka oo ku baahsan dalka oo dhan ayaa maalintii wuxuu tijaabo ka qaadaa 120,000, waana markii ugu horeysay oo qaabkan oo kale lagu arko wadan ka tirsan qaarada yare e Yurub.

Taiwan

Wadankan oo ay majaraha u hayso madaxweyne Tsai Ing-wen oo garab ka heleysa ku xigeenkeeda Chen Chien-Jen oo ku takhasustay ka hortagga cudurada faafa ayaa dunida oo dhan ka sameeyay iskoor cajiib ah.

Dalkooda wuxuu noqdey mid kamid ah wadamada dhifka ah ee ku guuleystay joojinta faafitaanka Covid-19, iyaddoo aysan waxba iska bedelin qaab nololeedka dadka caadiga ah guud ahaan waddankaas.

Iyaddoo dadweynaha Taiwan ay yihiin ku dhowaad 23 milyan, waxaa kaliya lasoo wariyey 500 kiis iyo tobban oo dhimasho ah.

Denmark

Ra'iisul wasaare Mette Frederiksen ayaa liijaanka u haysa. Mid kamid ah dalalkii ugu horeeyay ee ku yaala Yurub kaasoo xira xuduudahiisa ayuu noqdey isla markaana shacabka ku amray in ay gurigooda joogaan.

Sidoo kale, Frederiksen waxay si dhaqsiya badan ku dhaqan-gelisay siyaasadaha dhaqaale ee lagu kabayo maaliaydda inta dhibaatada jirto.

Talaabooyinka deg-deg ah ayaa hoos u dhigay baahida loo qabi karay bandow, xiritaanka iskuulada iyo ganacsiyadda waaweyn iyo yaryar.

Tusaalooyinkan oo ah kuwa ugu wanaagsan ayaa muujinaya ahmiyadda ay leedahay in hogaanka looga baahan yahay in uusan ka xishoon in uu dumarka ka raadiyo talo iyo isbedel ku yimaada kaalintooda hogaaminta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM