Taliyihii ilaalada gaarka ee ra'iisul wasaare oo isu casilay dilka wariye

Image

VALLETTA, Malta – Ra'iisul Wasaaraha dalka Malta, Joseph Muscat, ayaa Talaadadii shalay shaaciyey in uu is-casilay taliyaha ilaaladiisa gaarka ah Keith Schembri.

Talaabadan ayaa waxay kusoo aadeysaa xili booliska uu laba jibaaray baaritaanka dilka wariye Daphne Caruana Galizia.

Mr Schembri ayaa nan ka jawaabin codsi loo diray oo ku saabsan in uu ka falceliyo arrintaan balse wararku waxay sheegayaan in uu caawinayey bileyska.

Ganacsade Yorgen Fenech ayaa lagu soo xiray howlgalada dilka Caruana, balse waxaa lagu sii daayey cafis madaxweyne.

Mr Muscat ayaa baarlamaanka u sheegay in qof kale oo la tuhunsan yahay oo lagu magacaabo Melvin Theuma gacanta lagu hayo.

Warbaahinta gudaha ayaa ku warameysa in laamaha ammaanka hayaan cod la duubay oo uu kasoo muuqday Melvin Theuma.

Caruana Galizia oo ahayd wariye wax baara, ayaa bishii October sanadkii 2017-kii lagu dilay qarax gaari markii ay qortay warbixino ku saabsan musuqmaasuqa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM