Thailand oo loogu baaqay sii daynta muhaajiriin Somalia ku jirto

Image

16 September, 2015(GO)-Hay'adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa ugu baaqday dowladda Thailand inay sii dayso muhaajiriin lagu xiray hawlgal ay sameeyeen ciidamada waddankaasi.

Dadkan oo lagu xiray caasimadda Bangkok, waxaa ka mid ah 7 caruura oo ka soo jeeda wadamada Somalia iyo Bakistan.

Waxay haystaan dukumeentiyo caddaynaya inay yihiin qaxooti, oo ay u sameysay hay’adda UNHCR oo Qarmada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga.

Hay'adda u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegaysa inay sharci darro tahay xiritaanka qaxooti haysta waraaqo caddayn ah, waxayna ka codsatay dowladda Thailand inay sii dayso muhaajiriinta u xiran.

Bishan 10-keeda ayay ahayd markii ciidanka booliska Thailand howlgal ay ka sameeyeen guri ku yaalla caasimadda Bangkok lagu xiray qaxooti u kala dhashay Somalia iyo Bakistan, waxaana ku jira 7 caruur ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM