Tirada kiisaska Covid19 ee laga helay dalalka ay Soomaalidu ku badan tahay

Image

WASHINGTON, United States – In ka badan 8 bilyan oo Doolar ayay qaar kamida dowladaha caalamka ku tabaruceen olole daawo loogu raadinayo fayruska Corona ee jilbaha dhulka u dhigay dunida.

Ku dhowaad afar milyan oo ruux ayuu soo ritay xanuunka oo ay kasoo bogsadeen dad tiradooda ay ka badan tahay 1 milyan, hase ahaatee, wuxuu galaaftay 257-kun, sidda ay WHO xaqiijisay.

Dadkaas ayaa waxaa kamid ah tobanaan Soomaali ah oo ku sugan gudaha waddanka iyo dibadiisa, gaar ahaan dalalka ay ku badan yihiin ee ku yaala qaaradaha kala duwan ee aduunka.

Kenya oo kamid ah dalalka deriska ee Soomaalida ugu badan ay ku nool yihiin ayaa laga xaqiijiyey 535 kiis; 24 dhimasho ah iyo 182 qof kale ka caafimaadey, sidda ay xukuumada shaacisay.

Itoobiya oo liiska ku jirta ayaa soo warisay 145 kiis, afar dhimasho ah 91 qof kale oo ka bogsatay xanuunka safmarka ah.

Mareykanka oo hogaaminaya kiisaska aduunyadda oo ah ayaa laga helay 1.23 milyan oo xaaladood, in ka badan 72-kun oo geeri ah iyo dad ka badan 164-kun oo ka kacday markii uu haleelay.

Ingiriiska ayaa jaaliyad badan oo Soomaaliyeed ay joogto, tobanaanna uu ku dilay xanuunka ayaa laga xaqiijiyey in ka badan 195-kii iyo 29,427 geeri ah, hase ahaatee, lama shaacin dadka bogsaday.

Turkiga oo sanadihii dambe ay Soomaalida ku qulquleysay ayaa xaqiijiyey ku dhowaad 130-kun oo xaaladood, 3,520 oo dhimasho ah iyo 73,285 oo bukaan oo ka bogsatay markii lagu dedaalay.

Fayruskan asal ahaan kasoo bilowday Shiinaha ayaa Canada ku galaaftay 4,043 ruux oo ay Soomaali ku jiraan, 26,993 kalena way ka caafimaadey, kiisaska waxay sii cagacageynayaan 62,046.

Ugu dambeyntii, Jabuuti oo hogaanka u haysa wadamada Geeska Afrika ayaa soo warisay 1,120 kiisas, laba dhimasho ah iyo 745 oo ka bogsootay, waxaan dowladdu fileysaa koror intaas kasii badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM