Tobanaan lagu xasuuqay qaraxyo lagu weeraray Masjid ku yaala Afghanistan

Image

KABUL, Afghanistan – Ugu yaraan 60 qof ayaa ku dhimatay, 33 kelana way ku dhaawacmeen markii qaraxyo lagu weeraray Masjid ku yaala gobolka Nangarhar ee Afghanistan.

Weerarkan ayaa wuxuu dhacay intii lagu guda jiray Salaadii Jimcaha, sidda laga soo xigtay mas'uuliyiinta iyo saraakiisha dhanka ammaanka.

Bukaanadda iyo dadka dhintay ayaa waxaa kamid ah caruur, sidda ay shaacisay Qaramadda Midoobay oo warbixin soo saartay.

Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysay ayaa carabka ku adkeysay in ay aad u cambaareyneyso falkan, una rajeneyso bukaanadda soo kabasho degdeg ah.

Wadar ahaan dadkii ku sugnaa Masaajidka ee cibaadeysanayey ayaa waxaa la sheegayaa in ay tiradoodu gaarayeen ku dhowaad 400 oo Muslimiin ah.

Illaa iyo haatan ma jirto koox dusha saaratay mas'uuliyadda falkan, waxaase lagu eedeeyay in ay ka dambeysay Taalibaan oo aan ka jawaabin.

Dhowr jeer ayay horey u dhacday in weeraro loo adeegsado qaraxyo lagu qaadey Masaajid ku yaala wadankan ay colaaduhu la dageen iyo meelo kale oo dunida ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israa'iil oo gantaal ku garaacdey magaalo ku taalla bartamaha Iran

Warsidaha afka dheer ee Fars ayaa tabiyay in qaraxa uu ka dhacay magaalada Qahjaverestan.

  • Caalamka

    19-04-2024

  • 03:36AM

Golaha Amaanka oo Jimcaha u codeynaya in Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto QM

137 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa ilaa hadda aqoonsaday Dawladda Falastiin.

  • Caalamka

    18-04-2024

  • 07:36AM