Madaxweyne Donald Trump oo u goodiyey dalka Iran

Image

WASHINGTON - Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa digniin kulul u diray Iran isagoo ku hanjabay inuu burburinayo haddii ay soo weerarto Mareykanka iyo danahiisa Bariga Dhexe.

Fariin uu soo dhigay boggiisa Ttwitterka Axaddii shalay ayuu ku yiri Madaxeyne Trump “Haddii Iran ay dooneyso inay dagaalanto, waxey noqoneysaa dhamaadka Jirintaanka Iran.

Sadex maalmood ka hor, Trump waxa uu u muuqday inuu dib uga degay hadaladdii dagaal doonka ahaa ee Iran ka dhanka ahaa, isagoo sheegay inuu doonayo inuu Iran wadahadal la galo.

Mar uu wariye ku weydiiyay Aqalka Cad in Mareykanka uu dagaal ku qaadayo Iran iyo in kale, ayuu madaxweyne Trump ku jawaabay “ma rajeynayo”

Laakiin tan iyo markaa waxaa sii kululaaneysa xiisadda ka dhex oogan Mareykanka, saaxibadiisa gobolka iyo Jamhuuriyada Islaamiga ah ee Iran.

Related Articles

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM

Ingiriiska oo shaaciyay goorta uu dhaqan gelinayo sharciga Musaafirinta muhaajiriinta

RW Sunak ayaa xaqiijiyay in la dhaqan gelin doono qorshaha lagu masaafurinayo magangalyo doonka Rwanda.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:10PM