Trump iyo Kim Jong Un oo kulankoodii labaad uga furmay Vietnam [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image

Dalka Vietnam ayaa waxaa goordhaw ka fumar kulankii labaad oo ay yeelanayaan Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump iyo hogaamiyaha Kuuriyadda Waqooyi, Kim Jong Un.

Kulanka oo socon doona maanta iyo berri ayaa ka furmay Metropole Hotel oo ku yaalla magaaladda Hanoi, halkaasi oo labada hogaamiya la filayo inay ku kala saxiixdaan heshiis cusub lagu soo celinayo xiriirka Mareykanka iyo Kuuriyadda Waqooyi.

Trump ayaa gcan qaadey [salaamay] Kim Jong Un, iyadoo dhoola-caddeyna kahor inta aysan galin wadahadalkooda oo la sheegay inuu qaadanayo 20 daqiiqo oo kaliya.

Qodobada miiska u saaran Trump iyo Kim Jong Un waxaa kamid ah barnaamijka Niyukleerka Kuuriyadda Waqooyi, oo Mareykanka uu doonaya in laga taqaluso iyo cunaqabateynta caalamiga ee saaran Pyongyang.

Shirka Hanoi ayaa noqonaya midkii labaad oo labada dhinac yeeshaan, iyadoo midkii ugu horeeyay uu ka dhacay 8 bilood kahor dalka Singapore, kaasi oo taariikh cusub u sameeyy Mareykanka iyo Kuuriyadda Waqooyi.

Kulankii Singapore wuxuu ahaa kii ugu horeeyay oo Madaxweyne Mareykanka ah la qaato hogaamiye ka socda Kuuriyadda Waqooyi, waxaana uu kusoo beegmay xilli xiisad k jirta gacanta Kuuriya.

Labada dal ayaa isku celinaya meydadka Askar ay iska dileen intii uu socday dagaalkii 1950-1953, iyadoo la is-dhaafsan doono safiirro, si loo xoojiyo xiriirkooda diblomaasi.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Zelensky oo codsaday in la difaaco si la mid ah Israa’iil

Ciidamada Ruushka ayaa mowjado cusub oo weeraro ah ku qaadaya bariga Ukraine.

  • Caalamka

    15-04-2024

  • 09:13AM

Israa’il oo la xaqiijiyay inay jawaab ka bixin doonto weerarkii Iran

Madaxweynaha Maraykanka ayaa wado dadaal lagu baajinayo weerarkaas.

  • Caalamka

    15-04-2024

  • 06:41AM