Trump oo aan aqbaleyn dhaqan galka heshiiskii nukliyeerka Iran

Image

Madaxweyne Trump ayaa sheegay in aanu ku qancayn in Iran dhaqan gelisay heshiiskii caalamiga ahaa ee nukliyeerka ee la saxeexay 2015-ki, in kasta oo aanay afkiisa ka soo bixin in uu gebi ahaan ba laalayo heshiiskaa.


Trump wuxu sheegay in Iran marar badan ku xad gudubtay heshiiska xadidayey barnamijkeda nukliyeerka, waxaanu sheegay in uu kala shaqayn doono Congress-ka iyo xulufada Maraykanka sidii loo guffayn lahaa gol daloolooyinka badan ee heshiiskaasi leeyahay.


Hadii taasi surto geli weydana wuxu sheegay in uu awoodiisa madaxweyne u adeegsan doono sidii gebi ahaanba Maraykanku uga bixi lahaa heshiiskaa.

Trump waxa uu ballan qaaday in aanay Iran u suurto gelin doonin in ay hub nukliyeer ah samaysato, waxaanu heshiiska ku tilmaamay kii ugu xumaa ee weligii Maraykanku galo.

BBC

 

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM