Trump oo Kiis culus ku eedeeyay FBI-da Mareykanka

Image

WASHINGTON - Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa weerar dhanka afka ah ku qaaday laanta dambi baarista ee FBI-da oo sida uu sheegay ku guul dareysatay in ay ka hortagto toogasho arbacadii la soo dhaafay lagu qaaday iskuul ku yaalla gobolka Florida.

Trump ayaa sheegay in FBI-da ay wakhti badan ku lumisay xaqiijinta in kooxdiisa ka shaqeynaysay ololaha doorashadiisa ay xiriir la lahaayeen dalka Ruushka.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu Trump ku sheegay in loo baahan yahay in FBI-du ay u soo laabato shaqadeeda rasmiga ah ee loo igmaday.

Waxa uu intaasi ku daray in wax aad looga xumaado ay tahay in isla markaana aan la qaadan karin in waxyaabo badan oo muujinayay suurtagalnimada weerarkaasi aanan waxbo laga qaban.

Laanta dambi barista ee FBI-da ayaa qiratay in ay ku guul dareysatay in ay deg deg uga jawaabto xog ku saabsanayd in Nikolas Cruz uu qorsheynayay weerarkaasi.

Nikolas Cruz ayaa qirtay mas'uuliyadda toogashadii ka dhacday iskuul ku yaalla Florida oo ay ku dhinteen 17 qof.

Kal hore, kumannaan qof ayaa Florida isugu soo baxay waxa ayna dalbanayeen in la xakameeyo hubka gacanta ugu jira dadka rayidka ahi.

Dad abdan ayaa madaxweyne Trump ku dhaliilaya in uu diidan yahay in la xoojiyo sharciyada lagu xakameynayo isticmaalka hubka.

Balse Trump ayaa sheegay in ninka toogashadaasi ka dambeeyay uu qabay xanuun dhanka dhimirka ahi.

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM