​Uganda: Natiijada doorashada oo lagu dhawaaqay

Image

Guddiga doorashada dalka Uganda, ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashadii ka dhacday dalkaas, waxaana codadkii la dhiibtay ugu badnaan helay madaxweynaha hada talada haya Yoweri Museveni. 

Museveni, ayaa helay %63, waxuuna markii shanaad noqonayaa hogaamiyaha dalka Uganda, isagoo sii dheeraysanaya waqtiga dheer ee hada maraya 30-ka sano. Ninka dhan mucaaradka ugu cad-cad Kizza Besigye, ayaa ilaa hadda haysta %34 codadkii la tiriyay.

Natiijada, ayaa lagu dhawaaqay xilli korjoogtada Midowga Yurub ee dalkaasi dhaleeceeyeen qaabka codayntu u dhacday, waxaana xildhibaan kasocda Barlamanka Yurub Jo Leinen uu sheegey in doorashadu u dhacday qaab aan cadalad ahayn, islamarkaana ku qabsoomtay jawi cabsi iyo cago juglayn isugu jirta. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM