Wararkii ugu dambeeyay qalalaasaha dalka Armenia

Image

Dibadbaxyadii looga soo horjeeday dowladda Armenia ee dalkaasi ka socday ayaa la hakiyay.

Hakinta dibadbaxyada ayaa ka dambeeysay ka dib markii xisbiga Jamhuuriga ee haya talada dalkaasi ay sheegeen in ay tageerayaan hogaamiyaha mucaaradka ee horkacaya dibadbaxyada Nikol Pashinyan in uu noqdo rai'sul wasaaraha dalkaasi.

Tobannaan kun oo qof oo ah taageerayaasha hogaamiyahan ayaa isugu soo baxay wadooyiinka caasimada dalkaasi ee Yerevan.

Hogaamiyaha xisbiga talada haya ee dalkaasi ayaa baarlamaanka u sheegay in toddobaadka soo socda ay taageeri doonaan musharax ay soo xushaan saddex meelood laba meel baarlamaanka dalkaasi.

Ma uusan xusin magaca Mr Pashinyan oo ah ninka horkacaya dibadbaxyada dalkaasi ka socda.

Dadka dibadbaxa dhigaya ee dalkaasi ayaa waxa uu dibadbaxooda ka bilaabmay isbadal lagu sameeyay dastuurka dalkaasi, taasi oo keentay in awooda laga wareejiyo madaxweynaha dalka, loona weeciyo raysal wasaaraha.

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM