Weerar Askar badan lagu dilay oo ka dhacay Afghanistan

Image

KABUL - Xoogaga Kooxda Taliban ayaa xalay cagta mariyay saldhig miliateri oo muhiim ah oo ku yaalla waqooyiga dalka Afghanistan, iyagoo dilay ugu yaraan 17 Askari.

Waxaa jira cabsi xooggan xilli la la'yahay Askar kale oo loo maleynayo in iyagoo nool ay gacanta u galeen Taliban, kuwaasoo ku sugnaa saldhigga lala wareegay ee ku yaalla degmada Ghormach.

Saldhiggan oo lagu magacaabo "Camp Chinaya" ayaa waxaa ku sugnaa Ciidan lagu qiyaasay 140 Askari, waxaana la sheegay in Taliban ay go'doomisay 3 maalmood kahor weerarka lagula wareegay.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda difaaca Afghanistan oo lagu magacaabo Ghafoor Ahmad Jawed ayaa xaqiijiyay in 19 Askari oo kale lagu dhaawacay weerarka Taliban, oo ahaa mid culus.

Mohammad Tahir Rahmani, oo kamid ah mas'uuliyiinta gobolka Faryab ee uu weerarka ka dhacay ayaa tilmaamay in ciidamada qaranka ay isku diyaarinayaan sidii ay dib ugala wareegi lahaayeen saldhigga.

Taliban ayaa qabsaday Taangiyo iyo rasaas yaalla gudaha saldhigga, waxaana la sheegay in Kooxda ay gacanta u galeen 40 Askari, oo kamid ahaa ciidamadii ka howlgalayay xerada.

Weerarkan ayaa barbar socda dagaal mudo maalmo ah ka socda magaalada Ghazni ee koonfurta bari ee dalka Afghanistan, halkaasi oo ay ku dagaalamayaan ciidamada dowladda iyo Taliban.

Dagaalkan oo socda tan iyo todobaadkii tagey ayaa waxaa ku geeriyoodey 100 Askari oo Booliska iyo Militari, iyadoo saraakiishu ay xaqiijiyeen in 20 shacab ah sidoo kale lagu dilay.

Magaalada Ghazni waxay qiyaastii 120-KM dhanka galbeedka uga beegan tahay magaalada Kabul, ee caasimadda dalka Afghanistan.

Daraasad la sameeyay dhawaan ayaa lagu ogaadey in Taliban ay ku xoog badan tahay saddex meelood labo meel dalka Afghanistan, waxaana dalkaasi ka socda dagaallo iyo weeraro khasaaro badan sababay.

Ciidamadii Mareykanka uu horkacayay ee NATO ayaa wiiqay awoodii Taliban 17 sano kahor, balse waxay ku guul-dareysteen inay xasiliyaan dalkaasi, kadib markii ay howlgalkooda joojiyeen sanadkii 2014.

Taliban ayaa diiday inay wadahadal la galaan dowladda si colaadda wadankaasi loogu dhameeyo qaab nabadeed, waxaana dalabkan u jeediyay Kooxda Madaxweyne Ashraf Ghani bishii Ramadan-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM