Xaaladda Caafimaad ee Nawaz Sharif oo aad laga dayrinayo

Image

ISLAMABAD, Pakistan – Ra'iisul Wasaarihii hore ee Pakistan, Nawaz Sharif, ayaa xaaladiisa caafimaad "waxay tahay mid aanan fiicneyn," sidda ay sheegeen dakhaatiirta.

Nawaz, oo 69-sano jir ah, ayaa waxaa haatan lagu daaweynayaa Isbitaal dowladdu maamusho oo ku yaala magaaladda caanka ah ee Lahore.

Adnan Khan, oo kamid ah dakhaatiirta, ayaa sheegaya in mas'uulkan oo wajahayo xanuuno kala duwan "uu u dagaalamayo caafimaadkiisa iyo noloshiisa".

Cudurada laga soo warinayo ayaa waxaa kamid ah; wadne iyo kaliyexanuun, dhiig kar, macaanka [sokorta] iyo qayb kamid ay shaqada dhiiga oo istaagtay.

Khan ayaa wuxuu ka tirsan yahay dakhaatiir tiradoodu ay gaareyso lix, kuwaas oo xukuumadda u xil-saartay in ay baxnaano degdeg ah u fidiyaan Nawaz.

Nawaz, oo xukamane ah, ayaa wuxuu banaanka ku jooga damaanad kooban, maadaama xabsi uu ugu jiro eedeymo ku aadan musuqmaasuq.

Xisbiga uu ka tirsan yahay, oo banaanbaxyo abaabulay, ayaa dowladda ku eedeeyay in ay u diiday Nawaz codsi damaanad ah si uu dibadda ugu aado daaweyn.

Ra'iisul Wasaare Imran Khan ayaa kadib dhalaaeceyntaas wuxuu amar ku bixiyey "in la qaado talaabo kasta oo lagu daaweynayo Nawaz Shariif".

Shariif, oo saddex jeer ra'iisul wasaare noqday, ayaa 2017-kii waxaa xilka ka xayuubiyey Maxkamadda Sarre kuna xukuntay in uu been u sheegay baarlamaanka.

Xeer-beegtada oo ku eedeysay Nawaz in uu ka been sheegay lacago dowladda soo galay ayaa waxay amar ku bixisay in la baaro suurtogalnimada in uu ku kacay is-dabamarin.

Bishii July ee sanadkii hore 2018-kii, ayaa waxa si lamid ah u qirtay kiisas la xiriira musuqmaasuqa, taasoo keentay in lagu xukumo todoba sano oo xabsi ah.

Hay'adda Isla Xisaabtanka Pkistan ayaa haatan waxay sii waddaa baarlamaanka kiis saddexad oo ku saabsan shirkad qoyskiisu leeyahay oo sameysa caanaha macaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo ku hanjabay inuu qaadi doono tallaabo kaa dhan ah diyaaradaha NATO

Putin ayaa ku hanjabay in haddii reer galbeedku ay Ukraine siiyaan diyaaradaha F-16, ay soo ridi doonaan.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 10:44AM

Saboolnimada awgeed.. Dhaliyarada Iran oo bilaabay inay iibiyaan Kelyahooda

Dadka ku howlan ka ganacsiga xubnaha jirka ayaa ku tartama xubnaha ay bixiyaan ciyaartoyda.

  • Caalamka

    28-03-2024

  • 08:38AM