Yahuuda oo duqeyn ku dishay gabar 18-bilood dhalan iyo hooyadeed

Image

GAZA, Falastiin – Tobanaan ruux ayaa ku dhimatay duqeymo xoogan oo ay Yahuuda ka geystay dhulka reer Falastiin, saacadihii lasoo dhaafay, sidda ay xaqiijiyeen hay’addaha dhanka amaanka.

Dadka weeraradaasi cirka ah ku geeriyooday waxaa kamida gabar 18-bilood dhalneed iyo hooyadeed oo xaamilo ahayd.

Wasaaradda Caafimaadka Falastiiniyiinta ayaa shaacisay in Inanta yar lagu magacaabayey Seba Abu Arar.

Maamada ayaa magaceeda lagu sheegay Falastin Abu Arar, oo 37-sano jir ahayd, taasi oo u dhimatay dhaawac kasoo gaarey duqeymaha.

Saddex ruux kale ayaa lagu waramayaa in ay waxyeelo kasoo gaareen weeraradaasi oo ka dhacay bariga magaaladda Gaza City.

Duqeymaha ayaa ka dambeeyay markii lagu dilay Gaza City laba askari oo Yahuudi ah, kuwaasi oo ay wehliyeen madaafiic la sheegay in kooxda Xamaas ay ku gantay dhinaca Isra'iil, taasi oo aan la hubin waxyeelada ka dhashay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Amnesty International oo eedeyn culus u jeedisay dowladaha caalamka

Mareykanka, Shiinaha iyo dalalka kale ayay xustey in ay iska-indho-tireen ilaalinta shuruucda caalamka.

  • Caalamka

    24-04-2024

  • 05:28AM

Wadaadkii dawo u soo saaray Cudurka AIDS oo maanta geeriyooday

Sheekh Al-Zindaani ayaa ahaa madaxii hore ee hay’adda culimada Yemen.

  • Caalamka

    22-04-2024

  • 04:34PM