​20 ku dhimatay dagaal maalintii labaad ka dhacay Dharkayn-geenyo, Sool

Image

LAASCAANO- Xaalad aad u adag ayaa laga soo sheegayaa deegaanka Dharkayn-geenyo oo qiyaastii 70KM dhinaca Galbeed kaga beegan magalada Laascaano xarunta gobolka Sool, kadib markii ay ku dagaallameed labo kamid ah beelaha halkaasi wada daga.

Dagaalkan, ayaa galay maalintii labaad, waxaana wadar ahaan tirada dhimashadu gaaraysaan 20 ruux, kuwaasi oo la dilay 24-kii saac ee lasoo dhaafay.

Saaka barqankii dagaal ka dhacay deegaan ka agdhow tuulada lagu dagaallamyo, ayaa wararku sheegayaan inay lagu dilay 10 ruux oo labada dhinac katirsan, waxaana iska hor-imaadkaasi ka qayb qaadanayay gaadiid gaashaaman.

Dadka dhintay, waxaa kamid ah mas'uuliyiin la sheegay inay wadeen dadaallo nabadeed.

Dagaalkan ayaa salka ku hayo arrimo la xiriira aanooyin qabiil, waxaana socda dadaallo iyo baaqyo nabadeed oo ay wadadaan culimaa'udiinka iyo waxgaradka kasoo jeeda gobolka Sool.

Warar uu helayo GO, ayaa sheegaya in deegaankaasi kusoo wajahanyihiin ciidamo katirsan maamulka Somaliland, kuwaas oo qorshaynaya inay qaboojinayaan xiisaddan colaadeed.

Majirto waxa war ah oo kasoo baxay dhinaca xukuumadda Puntland, balse Xildhibaano iyo waxgarad gobolkaasi kasoo jeeda oo lahadlay Radio Garowe, ayaa ugu baaqay labada garab in si dhakhso ah u joojiyaan colaadda, waxayna u sheegeen inuusan dil iyo dhiig faa'iido lahayn.

 Waxgaradka gobolka Nugal, ayaa dhinacooda sheegay inay diyaar u yihiin sidii wax looga qaban lahaa arrintaasi, iyagoo xusay inay wadaan shirar ku aadan qaabkii dagaalkaasi lagu soo afjari lahaa.

Colaadda Dharkayn-geenyo ee gobolka Sool, ayaa sababtay marka laga yimaado dhimashada iyo dhaawac, barakac xooggan oo soo food saartay dadkii halkaasi ku dhaqnaa, waxaana lagu soo waramayaa in xaaladdu marayso meel aad u adag.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM