​92 Tahriibayaal ah oo laga soo bad-baadiyay badda Cas

Image

BOSASO- Dekedda magalada Bosaso xarunta gobolka Bari, waxaa xalay kusoo xiratay dooni siday 92 qof tahriibayaal u dhashay dalalka Somalia iyo Ethiopia kuwaas oo muddo shan cisho ah dul sabaynaya biyaha u dhaxeeya Somalia iyo Yemen.

Dadkan ayaa go'doomay kadib markii xumaatay doontii ay la socdeen.

Markab laga leeyahay dalalka ku bahoobay NATO ee biyaha Somalia u jooga inay ka ilaaliyaan burcad badeeda ayaa gacan u fidiyay muhaajiriintaasi.

85 ka mid ah tahriibayaashan ayaa kasoo jeeda dalka Ethiopia, halka 7 kale tahay Somalia, waxaana wararku sheegayaan in xaaladooda caafimaad wanaagsatahay marka laga reebo haweenay uur leh oo dadkaasi ka mid ahay, waxaana lag dabiibayaa cusbital ku yaalla magalada Bosaso.

Lama garanayo halka dadkan doontaasi ka qaatay, balse inta badan waxay ka baxaan xeebaha gobollada Bari iyo Sanaag ee Puntland iyadoo ay jiraan dadaallo looga hortagayo socdaalka sharci darrada ah.

Dhawr jeer oo hore, waxaa ciidamada amnigu gacanta ku dhigeen muhaajiriin doonayay inay ka baxaan biyaha xeebaha Puntland kuwaas oo ku sii jeeday dalka Yemen oo ay uga sii tallaabaan Sacuudiga.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo kalitalisnimo ku eedeysay madaxda federaalka

Madaxweyne Ku-Xigeenka dowladda Puntland ayaa si kulul uga hadlay hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya,

  • Puntland

    15-04-2024

  • 11:33AM

Ciidamada Badda Puntland oo “ka hortagay” qorsheyaal abaabulan

Ciidanka ayaa si adag u dardargeliyey sugidda Amniga xeebaha Badweynta Hindiya ee Puntland.

  • Puntland

    15-04-2024

  • 05:29AM