Afhayeenka baarlamaanka Puntland oo ka hadlay xaaladda Sanaaag

Image

BADHAN, Sanaag – Gudoomiyaha Baarlamanka dowladda Puntland, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa maalintii shalay gaarey degmada Badhan ee gobolka Sanaag, oo ah degaan doorashadiisa.

Khudbad uu u jeediyay shacabkii soo dhaweeyay, ayuu Cabdirashiid kaga hadlay arrimo dhowr ah, oo kamida ah dhisamaha jidka Ceel-Daahir iyo Ceerigaabo oo dowladda Puntland dhisayso.

Wajiga labaad ee dhisamaha wadada ayuu sheegay in ay u baahan tahay lacag dhan 8 milyan oo dollar, waxaana uu shacabka gobolada Haylan iyo Sanaag ugu baaqay inay ka qeybqaataan.

"Mudaneyaal iyo marwooyin, gobolada Sanaag iyo Haylaan murun ma geli karaan, oo leysma waydiin karo ma Puntland baa mise waa meel kale? Puntland weye," ayuu hadalkiisu ku daray.

Banaanbaxyadda

Afhayeenka Golaha Wakiilada Puntland ayaa soo hadal-qaadey banaanbaxyo looga soo horjeedo safarkiisa oo ka dhacay meelo kamid ah gobolka, kaasoo sababay isku dhac khasaaro dhaliyey.

"Khaatumo iyo SSC labadaba sidaan shalay sheegay, in lala goostay oo Hargeysa lala galay, maaqirta ay wareejinayaan ee marba taayarka yar meel ku gubeysa ee boqolka Doolar soo direysa oo aan iri shalayto boqolka Doolar oo aad canaasiirta u direysaan ee taayarka lagu gubayo fuusto yar siiya dadkaa u baahan," ayuu raaciyey.

Ugu dambeyntii, dadweynaha oo uu ugu baaqay in ay qayb ka noqdaan xaqiijinta ammaanka ayuu ku waaniyey in ay bixiyaan canshuurta si dib loogu dhiso adeegyadda muhiimka u ah shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM