Agaasimihii Hay'adda Waddooyinka Puntland oo xilkii laga qaaday

Image

BOSASO, Puntland- Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa xilkii looga qaaday Agaasimihii hay'adda waddooyinka Puntland.

Qoraal ku taariikhsan 03 March, oo maanta warbaahinta lasoo gaarsiiyay ayaa jagadii looga xayuubiyay Eng. Maxamud Cabdinuur oo booskaas muddo soo hayay, waxaana si KMG ah inuu shaqada usii wado loogu xil-saaray ku-xigeenkiisa.

"Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xafiis kiisa ka soo saaray  degreeto xeer  Madaxweyne LR.21 ee March 03 2017 kuna saabsan xilka qaadis Guddoomiyaha Hay’adda Wadooyinka Puntland (PHA),"Ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Madaxweyne Gaas.

Lama oga sababta looga qaaday Guddoomiyahan oo muddooyinkii dambe hay'addiisu wajahaysay musuq-maasuq baahsan oo saameeyay mashaariic ay gacanta ku haysay, kuwaasoo ay kamid tahay dhismaha wadada Galkacyo iyo Garowe.

Mas'uulkan xilka laga qaaday ayaa maalmahan dambe ku sugnaa magaalada Bosaso, waxaana wararka uu helayo Garowe Online, sheegayaan in tallaabadan Madaxweyne Gaas qaatay kadib markii loo gudbiyay eedaymo la xiriira musuq-maasuq baahsan oo loo haysto mas'uulkan kaasoo gaaray boorka ugu sarreeya Hay'adda.

"Madaxweynuhu, Markuu Garawsaday baahida loo qabo isbedel lagu sameeyo Maamulka sare ee   Hay’adda Wadooyinka Puntland, islamarkaana tixgeliyey talo soo jeedinta Guddiga sare ee Hay’adda PHA (BOD), Wuxuu xilkii ka qaaday Guddoomiyaha Hay’adda Wadooyinka Puntland Maxamuud Cabdinuur Aadan," Ayaa lagu yiri Digreeto kasoo baxday Madaxweyne Gaas.

Mid kamid ah howl wadeenada hay'adda oo magaciisa codsaday inaan la shaacin ayaa GO, u sheegay in Guddoomiyaha lagu haystay wax-isdabo marin keentay inay is-qabtaan isaga iyo qaar kamid ah shaqaalaha hay'addaas, waxaana Guddiga sare muddo wadeen baaritaan la xariirta arrimaha lagusoo eedeeyay.

Mudane Dalab ayaa isku dayay inuu Madaxweynaha ka qanciyo waxyaabaha lagu haysto, inkastoo aysan u suurto galin oo ugu dambayn xilka laga xayuubiyo.

Tallaabadan ayaa timid xilli Madaxweynaha Puntland laga filayay inuu isku shaandhayn ku sameeyo golahiisa wasiirrada, waloow dib u dhac ku yimid sababo kala duwan oo ay ku jirto shakhsiyaad diiday inay kamid noqdaan xukuumadda uu hogaamiyo mudane Gaas.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM