Air Djibouti oo duulimaadyo toos ah ka hirgelineysa Puntland

Image

GAROWE, Puntland – Shirkadda Diyaaradaha Jabuuti ayaa ku dhawaaqday in duulimaadyo toos ah ay ka hirgelineyso Garowe, caasimadda dowlada Puntland.

War qoraal ah oo kasoo baxay Air Djibouti ayaa lagu sheegay in duulimaadka uu bilaaban doono 22-ka bisha December ee sanadkan 2019-ka.

Duulimaadka ay diyaaradan ku tageyso Garowe ayaa noqon doona laba jeer todobaadkii, sidda ku xusan war-saxaafadeedka.

Air Djibouti ayaa kamid noqoneyso diyaaradaha caalamiga ah ee ka faa'iideysanaya fursadaha ka jira degaanadda maamul goboleedka Puntland.

Ethiopian Airlines, mid kamid ah shirkadda diyaaradaha ugu fiican Afrika, ayaa bishii June, 2019 duulimaadyo ka bilowday Puntland.

Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomadda Puntland ayaa dhowaan shaacisay in shirkado kale oo caalami ah ay codsiyo u soo gudbiyeen.

Sikastaba ha ahaatee, Air Djibouti iyo Ethiopian Airlines ayaa safka hore kaga jira shirkaddaha caalamiga ah ee ku loolamaya suuqa furan ee Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM

Puntland oo kalitalisnimo ku eedeysay madaxda federaalka

Madaxweyne Ku-Xigeenka dowladda Puntland ayaa si kulul uga hadlay hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya,

  • Puntland

    15-04-2024

  • 11:33AM