Ajandayaasha Kalfadhiga Barlamanka Puntland oo la shaaciyay

Image

GAROOWE, Puntland- Xilli maalintii Sabtida ee lasoo dhaafay uu si rasmi ah uga furmay magaalada Garoowe, Kalfadhiga 41aad ahna kan ugu dambeeyay ee golahan ayaa maanta la shaaciyay ajandayaasha ay ka doodi doonaan.

Qodobo ka kooban 12 ayaa Xildhibaanadu sheegeen inay kaga doodi doonaan kalfadhigooda.

Ajandayaasha la shaaciyay waxaa ku jira labo qodob oo xasaasi ah, kuwaasoo iminka ka taagan deegaanada Puntland.

Qulqulka Tahriibka ayaa kasoo dhexmuuqday dooda Xildhibaanada xilli maanta bololaal muhaajiriin Ethiopian ah lagu arkay gobolka Bari.

Difaaca iyo amniga ayaa sidoo kale kasoo dhex muuqday ajandayaasha laga doodi doono.

1-Furitaanka Kalfadhiga 41-aad
2-Ansixinta Ajandaha rasmiga ah ee Kalfadhiga 41-aad
3- Warbixinta Guddiga Joogtada ah
4-Warbixinta Guddiyada Golaha Wakiilada Puntland
5- Amniga, Difaaca Puntland iyo xog wareysiga Madaxweynaha Puntland
6-Xaalada qulqulka Tahriibayaasha (Dhaqangelinta xeerka Tahriibta)
7- Habka shaqaaleynta shaqaalaha rayidka ah
8-Habraaca loo maro iibinta hantida ma guurtida ah.
9- Mashruuca wadada Garoowe iyo Gaalkacayo
10-Ansixinta Xeerarkii Guddiga joogtada ah si ku meel gaar ah u sii ansixiyey.
11- Xisaab Xirka Miisaaniyadda 2017-ka
12-Anxisinta wixii Xeerar iyo Heshiisyo ah ee xukuumadu soo gudbiso.

Fadhigan ayaa ka duwan kuwii hore ee Xildhibaanada, waxaana laga doodi doona arrimaha taagan iyo wixii kale ee soo kordha maadama uu yahay kii ugu dambeeyay ee Xildhibaanadan isugu yimaadaan sida Sharciga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM

Puntland oo kalitalisnimo ku eedeysay madaxda federaalka

Madaxweyne Ku-Xigeenka dowladda Puntland ayaa si kulul uga hadlay hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya,

  • Puntland

    15-04-2024

  • 11:33AM