Akhriso: ​Xukuumadda Puntland oo guddi u saartay soo dhaweynta Farmaajo

Image

GAROWE, Puntland- Kulanka Khamiis-laha ahaa ee golaha xukuumadda Puntland oo shir Guddoomiyay Madaxweyne Cabdiwali Gaas islamarkaana ka qabsoomay magaalada Garowe, ayaa diiradda lagu saaray dhowr qodob oo ay ku jirto dagaalka Daacish, Al Shabaab, Qaban qaabada 19 guurada kasoo wareegtay Aas-aaska Puntland iyo Canshuurta Puntland.

Shirkan oo warbixino looga dhagaystay Guddiga Abaaraha oo horkacayo Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Cabdixakiim Camey, ayaa sheegya inay jiraan deegaano ay ka jirto xaalad abaareed, gaar ahaan gobollada Nugal, Mudug iyo Sool.

Amniga ayaa aad looga hadlay, waxaana la sheegay in dowladdu wadi doonto dagaalka Al Shabaab iyo Daacish inta laga sifaynayo.

Golaha xukuumadda Puntland, ayaa shirkooda ku magacaabay labo Guddi oo ay kala qaabil sanaan doona xafladda 1 august ee Aas-aaska Puntland iyo soo dhaweynta Madaxweyne Farmaajo.

Dhinaca kale Wasiirrada Puntland, ayaa gacansatada ugu baaqay inay bixiyaan canshuurta macaashka Guryaha iyo mid shaqaalaha oo la sheegay inay hadda qaadistoodu ka socdaan gobollada Puntland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa lagu wadaa inuu booqasho rasmi ah ku yimaado deegaanada Puntland 17 bishan, taasoo ka dhigan inuu socdaalkii ugu horeeyay ku yimid Puntland.

Go'aanka ayaa dabo socday xilli shalay Madaxweyne Gaas Ganacsatada u sheegay in canshuurtaas tahay mid waajib ah oo aysan dowladdu u marin hab sharci darro ah.

GAROWONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM