Amar ka dhaqan-galay Puntland iyo Bandowga Muqdisho oo geeri sababay

Image

GAROWE, Puntland - Waxaa si rasmi ah uga dhaqan-galay masaajidda waaweyn ee ku yaalla magaalo madaxda Puntland ee Garowe iyo Boosaaso amar kasoo baxay dawladda, kaasoo qeyb ka ah dedaallada looga hortagayo faafidda caabuqa Coronavirus-ka bulshadda dhexdeedda.

Salaadda Taraawiixda ayaa lagu tukan xalay iyo caawa masaajidda Garowe iyo Boosaaso, iyadoo dadweynaha ay u hogaansameen amarka dawladda kasoo baxay ee bandowga billaabanaya 6:00 p.m. [Lixda maqribnimo] kuna eg 5:00 a.m. [Shanta aroornimo].

Tallaabadan ayaa ka dambeysay markii kulan ay yeesheen xubnaha Gudiga ka hortaga Coronavirus ee Puntland iyo culimadda lagu go'aamiyay in dadka ay salaadaha Cishaha iyo Taraawiixda lagu tukado guryaha.

Amarkan ayaa ka dhaqan-galay inta badan maasjidda ku yaalla magaalooyinka Puntland, waxayna shacabka aad usoo dhaweeyeen dedaalladda ay wado dawladda ee lagu ilaalinayo bad-qabka caafimaadka muwaadiniinta, islamarkaana looga hortagayo inuu ku faafo caabuqa Covid-19.

Dhanka kale, salaadda Taraawiixda ayaa caawa lagu tukaday maasjidda magaaladda Muqdisho xilli ay wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ay amar ku bixisay in la xiro goobaha cibaadadda, iyadoo loo hogaansamaya bandowga billaabanaya 7:00 p.m. [Hal saac habeenkii].

Dawladda Federaalka ayaa u muuqata mid ku fashilantay inay ku qanciso shacabka Muqdisho dhab ahaanshaha Coronavirus-ka iyo inuu yahay cudur halis ah, oo u baahan in la iska ilaaliyo, islamarkaana loo hogaansamo tallooyinka wasaaradda caafimaadka.

Bandowga halka saaca billaabanaya, ee la kowsaday Ramadan-ka ayaa sababay dhimashada 2 qof oo shacab ah kadib markii booliska askari katirsan uu rasaas ku furay caawa dad fadhiyay gurigooda iridiisa meel ku dhaw Isgoyska Jubba.

Goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa xaqiijiyay in labo ruux, oo mid kamida uu ahaa dhalinyaro ay ku dhinteen rasaasta booliska, sidoo kalena ay ku dhaawacantay gabar goobta wada fadhiyeen.

Askarta dawladda ayaa rasaasta nool-nool u adeegsada shacabka, si ay u dhaqan-geliyaan bandowga, oo dadka ay dhib ku qabaan, maadaama kuwa badan oo habeenkii shaqeysan jiray, sida bajaajlayda ay qasab ku noqatay inay guryaha iska joogaan.

Saraakiisha booliska ayaa sheegaya inay baarayaan dhacdada, islamarkaana ay xireen askartii falkan ka dambeysay, kaas oo sababay caro iyo banaanbax xoogan oo ay dhigeen qaar kamid ah shacabka caasimadda, kuwaas oo dalbadey cadaalad ay helaan muwaadiniinta la laayey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM