Ayax oo ka Tanaasuley U Tartamidii Xilka Duqa Magaalada Garoowe [Sabab]

Image

GAROWE - Guddoomiyaha degmada Garowe Axmad Maxamud Ducaale "Ayax" ayaa waxaa uu go'aansadey inuusan musharax ka aheyn tartanka loo galayo xilka duqa magaalo madaxda Puntland marka la gaaro doorashada golaha degaanka oo la filayo dhowaan iney dhacdo, sidaas waxaa ogaadey warsidaha Garowe online.

Axmad Maxmud Ducaale oo wareegto lagu magacaabey kadib markii Madaxweyne Gaas kala direy golaha degaanka magaalo madaxda Puntland ayaa waxaa uu qaadey talaabooyin muhiim inta uu xilkaan hayey, sida hagaajinta wadooyinka, Nadaafada iyo inuu xiriirka la sameeyo beesha caalamka gaar ahaan Bangiga Aduunka oo ka caawina dowlada hoose ee Garowe barnaamijyo lagu horumarinayo dhismaha jidadka.

Ayax oo ah nin dhalinyaro ah oo la soo shaqeeyey qaar ka tirsan hay'adaha caalamiga ah ee ka howlgala degaano ka tirsan maamulkaan ayaa tan iyo intii loo magacaabey xilkaan waxaa la soo gudboonaadey caqabado farabadan sida dagaalka Tukaraq ee u dhexeeya Puntland iyo Somaliland oo magaalo madaxda ku abuurey xasilooni daro halka xafiiska dowlada hoose ku mashquuley taakuleynta iyo daryeelka dadka waxyeelada kasoo gaartey iska hormaad-yadaan. 

Sida warar lagu kalsoon yahay ku heley warsidahaa GO, Duqa magaalada Garowe kulan uu la qaatey beeshiisa waxaa uu dib u celiyey xubintii golaha degaanka laga siiyey isagoo sheegey inuusan musharax ka aheyn doorashada soo socota.

Nidaamka golaha degaanada Puntland loo doorto ayaa waxaa uu ku saleysan mid beelaha soo xulaan xildhibanaada kamid noqonaya golahaan kuwaasoo cod qarsoodi ah ku doorta Duqa degmada magaladaas.

Puntland ayaa muddadii 20 sano ay jirtey waxay ku guuldareystey iney toos u doorato golayaasheeda degaanka iyo xildhibaanada Barlamanka Puntland kuwasoo hadda ku yimaada nidaamka beelaha.

Dhinaca kale amni darada lasoo gudboonaatey magaalada Garowe bilhii lasoo dhaafey ayaa warsidahaa Garowe Online waxaa uu fahansan yahay, in maamulka dowlada hoose ee magaalo madaxda Puntland awoodi kari waayey in dakhli u helo howlgaladii ciidamada booliska kuwasoo in muddo ah aan mushahar ka helin dowlada dhexe.

"Ciidamada waxaa loo waayey shidaalkii iyo gunooyinkii ay ku howlgali lahaayeen, halka saldhiga booliska oo aan awoodi karin iney raashin siiyaan dhalinyarada la soo qabto ay dowlada hoose xujo ku noqoto sidii dhalinyaradaas loo hayn lahaa inta la baarayo danbiyada ay galeen madaama dakhli u waydey," sidaas waxaa Garowe online u sheegey sarkaal ka howlgala dowlada hoose ee Garowe.

Caasimada Garowe iyo qaar ka tirsan magaalo madaxyada degmooyinka kale ee Puntland ayaa tan iyo intii Madaxweyne Gaas xilka wareegey waxaa laga jarey dakhligii boqoleyda ahaa ay ku lahaayeen misaaniyada maamulkaan taasoo sababtey iney ka gaabiyaan barnaamijyada loogu adeegi lahaa bulshada cashuurta bixisay.

Magaalada Garowe ayaa marka laga reebo magaaloyinka Boosaaso iyo Galkacayo waxay kamid tahay kuwa ugu dakhli badan maamulka Puntland iyadoo cashuuraha kasoo xerooda markii dowlada dhexe bixin waydey kharashaadkii ku waajibey lagu khasbey iney bixiso mushaharaadka xildhibaanada Barlamanka Puntland, Booliska Puntland ee ka howlgala magaalo madaxda iyo qaar ka tirsan shaqalaaha dowlada.

Gaas ayaa inta uu xilka maamulkaan hayey waxaa xumaadey habsami u socodkii shaqooyinka golayaasha degaanka degmooyinka Puntland kuwasoo faragalin joogta ah kala kulma xafiiska Madaxweynaha Puntland.

Degmooyinka Garoowe, Boosaaso ayaa waxaa gabi ahaanba muddo kor u dhaaftey 3 bilood waxeysan laheyn gole degaan halka magaalada Galkacayo aysan cago badan ku taagneyn maamulkoodii degmada kuwasoo is-qab-qabsi ba'an ee u dhexeeya uu curyaamiyey shaqooyinkii ay u hayeen dadweynaha ku nool xarunta gobolka mudug.

Magaaada Boosaaso ayaa waxaa gudoomiye degmo ka ah Wasiir ku xigeenkii maaliyada Puntland kaasoo markii golaha degaanka la kala direy lagu magacaabey wareegto kasoo baxdey xafiiska Madaxweynaha Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM

Puntland oo kalitalisnimo ku eedeysay madaxda federaalka

Madaxweyne Ku-Xigeenka dowladda Puntland ayaa si kulul uga hadlay hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya,

  • Puntland

    15-04-2024

  • 11:33AM