Baarlamaanka Puntland oo dib u bilaabay ka doodista ajandooyinka la horkeenay

Image

October 30, 2014 (GO)- Waxaa maanta oo Khamiis ah dib loo gudo galay howlaha fadhiga Baarlamaanka Puntland ka dib markii ay kasoo laabtan saddex bari oo uu xildhibaanadda fasaxay Afhayeenka Baarlamaanka.

Xoghayaha joogtadda ah ee Baarlamaanka Puntland Cali Axmed Saalax ayaa fadhiga maanta ka hor akhriyay sida ay u kala horeeyaan ajandayaasha ay ka doodi doonaan xildhibaanadda inta uu socda fadhiga kuwaasoo gaaraya 31-qodob.

Docda kale waxa uu sheegay xarunta Baarlamaanka Puntland in dib u habeyn lagu samayn doono isla markasna la adkeeyay amniga xarunta gollaha ka dib markii fadhigii 33-aad ee ku saabsanaa wax ka badalka dhinaca amniga xaruntan lagu go'aamiyay.

Mashaariic dhowr ah oo ay Baarlaanku la fulin doonaan Hay'adda UNPD ayuu sheegay Cali Saalax inay dhowaa xarunta ka bilaaban doonaan kuwaasoo hormarmar xambaarsan.

Xildhibaan Siciid Cabdi Samater ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay fasaxa saddex bare ee uu Siciid Xasan Shire xildhibaanadda siiyay, iyadoo laga soo laabtay hadda fasax dheer.

Madaxweynaha Puntland ayaa la filayaa inuu maalinta berri ah ka ambabaxo magaalada Dubai halakaasoo kaga qayb galey shirka la dagaalanka burcad badeeka kaasoo sanad walba lagu qabto wadanka imaraadka Carabta.

Waftiga Madaxweynaha ayaa diyaarad kale ka sii qaadan doona magaalada Addis Ababa iyadoo la filayo in maalinta Sabtida ka dagaan magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM