Bannaanbax la qorsheynayey inu maanta Garowe ka dhaco oo baaqdey

Image

May 14, 2015 (GO)- Waxaa baaqdey dibad-bax ballaaran oo ka dhan ah Ururka Al-shabaab kaasoo lagu wadey inuu maanta ka dhaco magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Dowladda ayaa iclaamisey isu soo baxan, waxaana dadka loogu baaqay inay isugu yimaadaan fagaaraha Barxadda.

Mas'uuliyiinta ugu sareysa dowladda ayaa qorshuhu ahaa inay kasoo qayb galaan bannaanbaxa ; oo haddii uu qabsoomo noqon lahaa kii labaad noociisa ee Garowe ka dhaca.

Lama shaacin sababaha keenay dib u dhaca, dowladduna ilaa iyo hadda wax war ah kama soo saarin.

Ammaanka si weyn ayaa loo adkeeyey, waxaana waddooyinka muhiimka ah ee magaalada lagu arkayey ciidamada amniga oo baaraya dadka iyo gaadiidka.

Berri oo Jimce ah ayaa lagu wadaa inuu dibad-baxaasi Garowe ku qabsoomo, wuxuuna kusoo aadayaa  xilli isla maanta Garowe lagu soo gaba gabeynayo shir looga hadlayey la-dagaalanka iyo dabargoynta argagixisada, kaasoo labadii maalmood ee ugu dambeeyey ka soconayey xarunta baarlammaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM