Barlamanka Puntland oo go'aan ka gaaraya xeerar Madaxtooyadu dano ka leedahay

Image

GAROWE- Barlamanka Puntland ayaa waxaa horyaala xeer la rabo inuu go'aan ka gaaro marka uu fadhi isugu soo noqdo maalinta Sabtida inta uusan xirmin, sidaas waxaa ogaadey warasidaha Garowe online.

Xeerarkaan ayaa waxaa kamid ah xeerka shaqaalaha ama go'aan lagaga gaarayo halka la hoos geynayo Koomishinka shaqaalaha, xeerka gudniinka, xeer la sheegey in laga gaarayo in hay'adda Passaweyn lagu wareejiyo howlaha la xiriira biyaha iyadoo shaqada qayb kamid ah laga soo qaadey Wasaarada Degaanka iyo Xeer laga keeney makiinad lagu baaro DNA taasoo la rabo in laga dhigo hay'ad gooni ah oo hoos timaada Madaxtooyada Puntland.

Golaha Xukuumada Puntland ayaa sharciga Passaweyn u siinaya iney maamusho biyaha dhulka korkiisa waxyeelada u gaysta ama warro u sameyntooda iyo soo saarista kuwa dhulka hoostiisa ku jira, waxayna asbuucii lasoo dhaafey u gudbiyeen aqalka Wakiilada inuu sharci ka dhigo.

Komishinka Shaqaalaha ayaa waxaa horey u kala direy Barlamanka Puntland kadib markii arimo la xiriira musuqmaasuq lagu sameeyey nidaamka shaqo bixineed ee maamulkaan. Komishinka shaqaalaha oo markii hore hay'ad madax banaan ahaa ayaa tan iyo intii Madaxweyne Gaas la wareegey talada Puntland waxaa uu noqdey mid go'aamadiisa laga maamula Madaxtooyada iyadoo musuqmaasuq xoogan lagu sameeyey nidaamka shaqo bixineed ee hay'adda caalamiga gaar ahaan Bangiga Aduunka.

Sida warsidaha Garowe Online ogaadey markii shaqooyinka Bangiga aduunka soo baxaan ayaa komishinka shaqalaha qaabilsan waxaa uu qaadi jirey imtixaanaadka dadka shaqo doonka ah ay galayaan balse xafiiska Madaxtooyada ayaa waxaa uu ku amri jirey markii ay soo baxaan Liis dadkii heley 'short list' loo keeno kuwaasoo kala baxa magacyada shaqsiyaadka ay rabaan in shaqooyinkaas la siiyo.

Go'aan ka gaarista komishinka iyo halka uu hoos imaanayo ayaa xildhibaanada doonayaan iney hoos geeyaan ama 'line minister' u noqdo Wasaarada shaqada iyo shaqaalaha halka Madaxtooayada Puntland raadineyso ama in sidiisa hore lagu celiyo ama la hoos keeno xafiiska Madaxweynaha.

Xeerka Makiinada Shaybaarka DNA

Wasaarada caafimaadka oo ka shaqeysay keenista shaybaarka DNA iyadoo la kaashaneynsa hay'ada UNFPA, iyadoo lacagta lagu soo iibiyey ay bixisay dalka Sweden, ayaa waxaa in muddo ah madaxda sare ee dowlada Puntland gaar ahaan madax-weyne ku xigeenka lugta kula jireen doorka Wasaaradu ku yeelaneyso makinadaan isagoo marar badan damcey inuu hoos geeyo booliska ama CID.

" Wasaarada caafimaadka in muddo ah waxay ka shaqeynsay in shaybaarkaan uusan dayacmin islamrkaana aan la hoos geyn dad aan shaqadiisa aqoon, iyadoo hadda dajisay aqalkii hay'adda WHO ka guurtey ee gobolka madaama in muddo ah dhibaato ka taagneynd halka uu ku howlgalayo." sidaas waxaa GO u sheegey qof aad uga warhaya marxaladaha shaybaarkaan soo marey kaasoo diidey magaciisa in aan xusno xaalaad jirta awgeed.

Warar warsidaha Garowe online heley ayaa sheegaya in xubnihii u xilsarnaa ku shaqeynta shaybaarkaan uu galay damac ah, iyadoo makiinadaan shaqadeedu kooban tahay, iney hay'ad madax banaan ka dhigaan taasoo la hoos geeyo Madaxtooyada arinkaan ayaa waxaa dabada ka riixaya xubno ka shaqeeya xafiiska madaxweyne Gaas.

Xogo lagu kalsoon yahay ayaa dhinaca kale xusaya in Madaxweyne Gaas qofkii ku shaqeynayey makiinadaan shaybaarka oo hore kasoo Wasaarada caafimaadka mushaharkiisa uga raadisay wadamada daneynaya shaqada shaybaarkaan bulshada u qaban karo uu wareegto ku soo magacaabey labo qof oo kale kuwasoo mid kamid ah uu yahay ku-xigeen ninkii horey u joogey.

Shaybaarkaan ayaa shaqadiisu ku kooban tahay DNA baaris balse aan qabi karin howle kale ee la xiriira dambi baaris iyo kuwo madani ah 'Forensic science' balse sida xogta lagu helayo waxaa Barlamanka loo gudbiyey warbixin khaladan taasoo sheegeysa inuu qaban karo shaybaarkaan shaqooyin kale kuwasoo ay tahay inuu ka madax-banaanaado Wasaarada Caafimaadka.

Maamulka Madaxweyne Gaas oo waqtiga ka sii dhamaanayo ayaa bilihii ugu dambeeyey waxaa uu ku jirey olole lagu wiiqayo shaqooyinka Wasaaradaha iyadoo shaqooyin iyo xilal ugu abuurayo dad ay qaraabo hoose yihiin iyo asxaab kuwaasoo ka cararaya isbadalka ku soo wajahan Puntland inuu saameeyo.

Gaas ayaa hay'ado shaqooyinkii ka qaatey Wasaradaaha abuurey kuwaasoo ay kamid yihiin; Wasaaradaha ganacsiga, beeraha, howlaha guud, degaanka, qorsheynta iyadoo shirkado gaar loo leeyahay ku kabey Wasarada maaliyada iyo kuwo kale.


GAROWE Online ayaa dhowaan idiin soo gudbin doona xog ku saabsan hay'adaha uu abuurey Madaxweyne Gaas iyo shaqsiyaadka uu u dhiibey magacyadooda.

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM