Barlamaanka Puntland oo ku Goodiyey in uu Kalsoonida kala Noqonayo Golaha Wasiirada [ Daawo]

Image
Image

GAROWE, Puntland-  Kulan habeenkii xalay 16/07/2017 aqalka Madaxtooyada Puntland ku dhexmarey Madaxweynaha Puntland iyo guddi ka socda xildhibaanada Barlamanka ayaa ku soo dhamaadey khilaaf kadib markii la isku fahmi waayey qaabkii Mudane Gaas u kharash gareeyey lacago dowladu ka heshay Wadanka Imaaraadka Carabta.

Xildhibaanada kulankaan ka qayb galay ayaa Madaxweynaha Puntland ku qabsadey sababta uu ugala tashan waayey qaabka lacagtaan loo kharash gareynayo iyagoo sheegey in xisaab celin ka rabaan lacagtii ka hartey 2.5+1=3.5 lagu baxshey garoonka diyaardaha Garowe iyo wadada Ceel Daahir.

Xildhibaanada Barlamanka Puntland oo maalmihii lasoo ka doodayey qodobo horyaaley kafadhigaan ayaa maanta ka doodey qodob ku aadan amaanka iyadoo wararka sheegayan in 42 Mudane saxiixdey mooshin kalsoonida lagala noqonayo Golaha wasiirada Madaxweyne Gaas.

Golaha Barlamanka Puntland oo aan looga baran mudadii ay jireen la xisaabtanka xukuumada ayaa dad la socda arimaha siyaasada u sheegeen Puntland ku sheegeen iney la xiriirto sidii Madaxweyne Gaas Cadaadis ugu saari laheeyeen in lacagta dowlada Imaraadka bixisay qeybtooda uga qaadan lahaayeen.

Dhinaca kale kulankii habeenkii xalay 16/07/2017  dhexmaray Madaxweynaha Puntland iyo guddi ka socda golaha Barlamanka ayaa wararka laga helayo xusayan iney soo jeediyeen in xarun cusub ee Barlamanka loo dhiso golaha Barlamanka taasoo laga bixinayo lacagaha dolwadu ka heshey Imaraadka taasoo Mudane Gaas diidey.

Lama oga halka la xisaabtanka Barlamanka Puntland ku sameeyey Madaxweyne Gaas ku dambeyn doono kaasoo dadka xeel dheerayaasha ah sheegayaan inuu yahay mid waqtigii loo baahnaa kasoo daahey iyadoo shacabka hadda aaminsan yahay in Is-qabqabsiga u dhexeeya labada hay'adood yahay mid salka ku haya arimo maaliyadeed.

Dowlada Madaxweyne Gaas ayaa waqtigii xiligii hogaanka Puntland hayey laheyd waxa ka dhiman muddo ka yar labo sano iyadoo dadka intooda badan sugayaan in isbadalka dowladeed ee soo socda inuu noqdo mid si nabad ah ku dhaca.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxman Farole oo isagu xilka ku wareejiyey Madaxweyne Gaas ayaa waxaa codbixintii ka dhacdey Barlamanka sanadkii 2014  looga adkaadey Hal Cod oo kaliya taasoo la yaab ku noqotey kooxihii mucaradka ahaa in awooda dalka loogu wareejiyo si nabad ah.

Halkaan ka Daawo Barlamanka Puntland oo k dooodaya amniga 

GAROWEONLINE 

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM