Bosaso: maxkamadda ciidamada oo lix qof dil ku xukuntey

Image
Image
Image
Image

November 17, 2014 (GO)- Todoba qof oo ku eedeysnaa inay ka tirsan yihiin Al-shabab qaybna ka qaateen falal ammaanka lid ku ah oo laga geystey Puntland ayaa maanta la horkeenay maxkamadda ciidamada qalabka sida laanteeda gobollada Bari, Karkaar, Gardafuu, Sanaag iyo Haylaan. 

Eedaysaneyaasha oo dhammaantood rag ah waxaa lagu kala magacaabaa:

  1. Maxamed Cabdi Olol, ina Tiriig Maxamed, 22jir ah, ku dhashay Buuhoodle.
  2. Xaajow Shiikh Nuur, ina Maleeka Shaandhey, 22 jir ah, ku dhashay Mareerey.
  3. Cabdirasaaq Shariif Cumar, ina Xaliimo Sayid, 17jir ah, ku dhashay Jamaame.
  4. Maxamed Cabdulaahi Axmed, ina Faadumo Jaamac, 18jir ah ku dhashay Muqdisho.
  5. Maxamuud Aadan Ducaale, ina Faadumo Saleebaan,  21jir ah, ku dhashay Burco.
  6. Cabdixakiim Maxamed Ciise, ina Luul Yuusuf 24jir ah, ku dhashay Burco.
  7. Saacid Aadan Cabdulle, ina Xabiibo Axmed 32 jir ah, ku dhashay Gallaadi.

Kadib markii maxkamadu dhegeysatay eedda xeer ilaalinta, difaaca qareemada iyo qiraal qaar kamid ah eedeysaneyaashu maxkamada horteeda ka sameeyeen, waxaa xukunka kama dambeysta ah ku dhawaaqay gudoomiyaha maxkamadda Cabdifataax Xaaji Aadan. 

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in lix kamid ah eedaysaneyaashaas lagu ridey xukun dil ah islamarkaana ay haystaan muddo soddon beri ah si xukunka ku dhacay ay rafcaan uga qaataan. Lixda eedaysane ee dilka lagu xukumay ayaa kala ah:

  1. Maxamed Cabdi Olol, ina Tiriig Maxamed, 22jir ah, ku dhashay Buuhoodle.
  2. Xaajow Shiikh Nuur, ina Maleeka Shaandhey, 22 jir ah, ku dhashay Mareerey.
  3. Cabdirasaaq Shariif Cumar, ina Xaliimo Sayid, 17jir ah, ku dhashay Jamaame.
  4. Maxamed Cabdulaahi Axmed, ina Faadumo Jaamac, 18jir ah ku dhashay Muqdisho.
  5. Maxamuud Aadan Ducaale, ina Faadumo Saleebaan,  21jir ah, ku dhashay Burco.
  6. Cabdixakiim Maxamed Ciise, ina Luul Yuusuf 24jir ah, ku dhashay Burco.

Eedaysanaha todobaad oo lagu magacaabo Saacid Aadan Cabdulle dib ayaa xoriyaddiisa loogu soo celiyey kadib markii wax dembi ah lagu waayey. Maxkamadda waxaa sidoo kale maanta la hor keenay labo askari oo lagu kala magacaabo Dable Cabdulaahi Nuur Yuusuf iyo Dable Ayuub Cali Ismaaciil. Labada askari oo ka tirsan ciidamada badda kuna eedeysan in qof rayid ah dileen xukunkooda dib ayaa loo dhigay.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland laanteeda gobollada Bari, Karkaar, Gardafuu, Haylaan iyo Sanaag waxay laga soo bilaabo bishii January ee sanadkan xukuntay in ka badan 30 qof oo ku eedeysnaa inay ka tirsan yihiin Al-shabab, dadkaasoo qaarkood xukuno kala duwan lagu ridey qaar kalena dib xoriyadooda loogu soo celiyey kadib markii wax dembi ah lagu waayey. 

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM