​Camay oo furay qorsha lagu dhiraynayo Garowe [Sawirro+Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, ayaa maanta daah furay qorshe iskaa wax u qabso ah oo ay wadaan dhalinyaro ku dhaqan magaalo madaxda Puntland kaasoo lagu dhiraynayo caasumadda Garowe.

Barnaamijkan oo fikirkiisa iska leeyahy wariye katirsan warbaahinta Puntland TV oo lagu magacaabo Ibraarhim Muuse Daharaan (Wadani), ayaa wajigiisa koowaad dhir loogu beeri doonaa wadada Islaam Maxamed.

Geedkii ugu horeeyay ayaa saaka waxaa beeray Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay oo ay wehelinayaa, wasiir ku-xigeenka wasaaradda Deegaanka, xoghaya dowladda hoose iyo Hal abuuraha Barnaamijkan Ibrahim Wadani.

Qorshahan oo dhalinyaradaas ugu magac dareen Hal qof iyo Halgeed, ayaa in muddo ah abaabulkiisa kasocday magaalada Garowe, waxaana lagu hirgaliyay iskaa wax u qabso iyo lacago ay iska aruuriyeen dhalinyarada ku midowday howshan.

Wariye Ibrahim Muuse ayaa daahfur kadib, wuxuu la hadlay warbaahinta isagoo sheegay in tallaabadan ay tahay mid ay ku doonayaan in lagu badalo muuqaalka caasumadda Garowe isagoo u mahad-celiyay, dowladda hoose iyo xubno kale oo uu sheegay inay taageereen fikirkan howl galintiisa.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Deegaanka Puntland, ayaa xusay inay taageeradoodu wali dhimantahay, maadama sida uu tilmaamay dhalinyaradan ay kusoo wargalin howsha ay wadaan, wuxuuna ugu baaqay in marka xiga soo wargaliyaan si ay dhir badan ugu taageeraan.

Xoghayaha dowladda hoose degmada Garowe, Cabdiqafaar Cabdiraxmaan ayaa isna ballan qaaday inay waraabin doonaan dhirta la beeray maalin kasta, wuxuuna u mahad-celiyay dhalinyarada la timid fikiraas saliimka ah.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa isna madasha ka sheegay in tallaabadan tahay wax lagu farxo oo dhiirigalin u noqon karta dhalinyarada Puntland iyo guud ahaan kuwa Somaliyeed, wuxuuna ugu baaqay in barnaamijka la ballaariyo oo la geeyo degmooyinka kale ee Puntland, isagoo sidoo kale ku dhiiri galiyay inay kala qayb qaataan abaarta baahsan ee dalka ka jirta.

Furitaanka qorshahan, ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada Garowe ku yartahay dhirta ku beeran waddooyinka dhinacyadeeda, waxaana noqonaysa markii ugu horaysay ee caasumadda Puntland dhalinyaro ka hirgaliso qorshe dhirayn ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM