Camey muxuu ka yiri Askarigii Gabadha ku dhaawacay Bosaso?

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, ayaa ka hadlay tacadiga ka dhanka ah bini-aadamka gaar ahaan dumarka, xilli uu khudbad ka jeedinayay munaasabad qayb ka ah maalmaha Ololaha Tacadiga ka dhanka ah Jinsiga.

Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu tilmaamay in ruuxii dhibaateeya qof dumar ah la marsiin doono Ciqaab adag oo uusan waligiis kasoo kabsan.

"Kolay dadku isku caqli iyo fikir maaha, falka marka la gaysanayo Jinbaa ka adeeganaya qofka," ayuu yiri Camey oo hadalkiisa kusii daray, "Meel kasta oo uu aado iyo waqti kasta oo uu gaaro in ruuxii tacadi gaysta gacanta lagusoo dhigi doono."

Camey ayaa sheegay in dowladda Puntland dedaal ku bixin doonto sidii wax looga qaban lahaa dhibaataynta dumarka, isagoo carrabka ku dhuftay isku day Kufsi oo dhawaan ku kacay askari katirsanaa ciidamada Puntland, kaasoo lagu qabtay meel u dhow Kismayo.

Askarigan ayuu si gaar ah tusaale ugu soo qaatay isagoo tilmaamay in lagu ridi doono xabsi uu ku dhammaysan doono Cimrigiisa inta ka dhiman.

"Kan ugu dambeeyay Baadiyaa lagasoo qabtay markii uu fakaday, meelna uu hamili waayay, waxaan dareemayaa howshu sidii ay u adkayd baa loo adkeeyay, gacantana waa lagusoo dhigay," ayuu yiri Madaxweynuhu oo wacad ku maray in Askarigan lagu ciqaabi doono xabsi adag.

"Meel aanu waligiis kasoo bixin oo dadku wuxuu gaaraa xilli uusan nafsad hayn oo yiraahdo inta ugu hartay waan ku tukanayaa, ilaa uu heerkaa gaarana kasoo bixi maayo Jeelka," ayuu yiri Camey oo tacsi u diray Fa'iisa oo ah gabadha uu dhibaateeyay Askarigu.

Xukunada lagu rido dambiilayaasha gaysta tacadiyada noocaan oo kala ayaa intooda badan ku soo dhamaada wadahadal qabaa’ilka wax kala gaareen dhexmara iyadoo kadib beelahaas Madaxda Dowlada cadaadis ku saara in qofkii dhibka gaystey la sii daayo. 

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM