Camey oo qayb ka ah codsi Beelaha Woqooyi ku dalbanayaan Xildhibaano Dheeri ah [ AKHRI]

Image

MUQDISHO, Somalia- Qoraal hordhac ah oo nuqul kamid ah warsidaha Garowe Online soo gaarey ayaa waxaa uu ka hadlayaa codsi beelaha kasoo jeedaa gobolada Somaliland kaga dalbanayaan madaxda madasha Somaliyeed, beesha caalamka, Madaxweynaha Somalia iyo Ra'isal Wasaarha in loo kordhiyo tirada guud ee xildhibanada aqalka sare ku leeyihiin inta u dhexeysa 15-18 iyadoo la tixgalinayo nidaamkii hab qaybsiga  dowladnimo Somalia markii ay xornimada qaadatey kaasoo ahaa Koonfur iyo Woqooyi.

Qoraalkaan diyaarintiisa oo ay qayb ka yihiin madaxda Puntland gaar ahaan Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo Xildhibaan Saadiq Garaad ayaa maalmihii lasoo dhaafey ka socdey magaalada Muqdishu.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo xubno xildhibaano ah ee kasoo jeeda gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa muddo 21 cisho ah joogey magaalada Muqdishu muddo 21 cisho ah baadigoobka kuraas xildhibaano ah ay la wadaagaan beelaha gobolada Woqooyi kasoo jeeda iyadoo wararku sheegayaan in lagu qaunciyey kulamo badan kadib in sida kaliya oo ay ku heli karaan xildhibaano tahay iyagoo kuraas dheeri la raadiya beelahaan taasoo qoraalkaan ku xusan.

Xogta qoraalkaan xambaarsan yahay ayaa sheegeysa in qoraalkaan la diyaariyey kadib markii magaalo madaxda Somalia soo gaareen wafti balaaran uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Puntland islamarkaana kulamo yeesheen madaxda dhaqanka, siyaasiyiinta iyo waxgaradka dhamaan beelaha ka soo jeedaa gobolada Woqooyi-Somaliland iyadoo go'aan lagu gaarey qodobada ku xusan lifaaqa waraqdaan.

Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo ku sugan magalada Muqdishu ayaa sidoo kale qayb ka ah talaabooyinkaan khatarta ku ah jiritaanka Puntland islmarkaana jabinaya Dastuurka.

Halkaan ka akhri qoraalka beelaha Woqooyi doyaariyeen tasoo Madaxweyne ku xigeenka Puntland qayb ka yahay: Aqalka Sare 10_signed.pdf

GAROWEONLINE 

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM