​Camey “Shirka Kismayo Maslaxadi kuma jirto ee dib ha loo dhigo”

Image

GAROWE, Puntland- Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta ka dhoofay magaalada Garowe caasumadda Puntland, xilli inta badan dowladda ay ku maqantahay magaalada Bosaso.

Safarka Camey oo noqonaya kiisii labaad ee dalka uga baxo tan iyo markii la doortay 2014 ayaa la filayaa inuu ku tago Dalalka Kenya iyo Zambia, isagoo sii mari doona magaalada Muqdishu Caasumadda Somaliya.

Socdaalkiisan oo uu tilmaamay inuu qaadan doono mudo 10 Cisho ayaa la xariira fasax inkastoo uu carrabka ku dhuftay inuu kulamo shaqo ku yeelan doono magaalada Nairobi.

“Maanta oo Taariikhdu tahay Bishii Tobnaad Saddexdeedii, waxaana jeclahay inaan Fasax u qaato magaalada Nairobi iyo Zambia,” Ayuu yiri Camey oo intaas sii raaciyay, “Waa Socdaal Runtiii iska fasax ah wax shaqo ah oo ku jirtaa ma jirto.”

Cabdixakiim Camey oo warbaahinta la hadlayay inta uusan dhoofin ayaa soo hadal qaaday xaaladda magaalada Bosaso, shirka uu ku baaqay Axmed Madoobe ee looga hadlayo Xaaladda Somalia iyo khilaafka soo kala dhex galay maamullada iyo DFS.

Wuxuu sheegay inuusan jeclaysan wararka lagasoo sheegayo magaalada Bosaso sidaas daraadeed uu ku baaqayo in la ilaashado ammaanka iyo xasiloonida islamarkaana laga hortago cadowga Puntland.

Shirka Kismayo ayuu uga hadlay si kaduwan qaabkii uu todobaadkii hore iyo kanba uga Waramay Madaxweyne Gaas, wuxuuna mudane Camey si cad u sheegay in kulankaas aysan ku jirin Maslaxadda umadda Somaliyeed, isagoo taas badalkeeda ku taliyay in Madaxweyne Farmaajo qaato doorkii hogaamineed islamarkaana uu si toos ah maamulka kasta ugala xaajooda tabashadiisa.

“Waxaan Maqalay Axmed Madoobe ayaa  shir ku baaqay Kismayo, Ra’yi ahaan anigu waxaan qabaa in shirkaas aysan ku jirin maslaxada umadda Somaliyeed meel kasta oo ay joogaan,” Sidaas waxaa yiri Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cumar Camey oo ku baaqay in kulanka Kismayo dib loo dhigo.

“Anigu waxaan ku talin lahaa in shirkaas dib loo dhigo, waxaana ku talin lahaa in lawada hadlo, waxaana ku talin lahaa in shakiga laga qabo DFS uu meesha ka baxo, oo wada hadal runtii looga baxo, waxaana qabaa in tallabaada hadda loo maray ay tahay mid khaldan runtii oo aysan jeclaysan doonin shacabka Somaliyeed.” Sidaas waxaa yiri Camey.

Madaxda Maamullada ayuu ugu baaqay inay isugu tagaan magaalada Muqdishu islamarkaana dowladda dhexe ay yeelato hogaamintiisa.

”Haddii ay jiraan wax lagaga cabanayo dawlada Federaalka Somaliya  laynoo kala tarjumayo haddii aan nahay maamul goboleedada, waa in la isugu tagaa Xamar sidii la isugu tagi jiray, Madaxweyne Farmaajo waxaana ku talinayaa  inuu qaato doorkiisa  hogaamined oo u tago maamul goboleedad,” Ayuu hadalkiisa kusoo gaba gabeeyay.

Lama oga sababta xilligaan kusoo beegtay in Madaxda Puntland ku kala qaybsamaan shirka Kismayo, waloow dowladda  dhexe ka gaabinayso gogosha Axmed Madoobe islamarkaana ku dadaalayso sidii dib loogu dhigi lahaa.

Warar hoose ayaa sheegay in qorshahan ay ka dambayso DFS Somaliya islamarkaana Camey uga yeertay Muqdishu.

Khilaafka iminka ka taagan Galmudug ayaa sabab u ah kala qaybsanaan soo kala dhex galay madaxda sare kadib markii ay noqdeen laba garab oo ku kala aragti duwan khilaafka Khaliijka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM