Ciidamada Puntland oo ka hadlay qoraalka Wasaaradda Maaliyadda

Image

GAROWE, Puntland- Xilli Shalay qoraal kasoo baxay wasaaradda Maaliyadda Puntland looga hadlay xuquuqda ka maqan shaqaalaha gaar ahaan ciidamada islamarkaana la sheegay inaysan jirin lacag ku baaqatay hay'addaas, ayaa ciidamadu ka jawaabeen arrintan  kadib qoraal kasoo baxay hogaanka ciidamada Kumaandoosta Puntland.

Hogaanka Kumaandoosta Puntland oo la hadlay warbaahinta ayaa been abuur ku tilmaamay hadalka kasoo yeeray wasaaradda maaliyadda Puntland, waxayna faah faahin ka bixiyeen lacagaha ka maqan ee isugu jira, Gunnooyinka, Mushaharka iyo kharaashaadka ciidamada tan iyo 2014-2017.

“Xaashaa lilaah haddii uusan mushahaar iyo xuquuq naga maqnayn annaga oo gadoodsan gudaha uma aanu soo galneyn magaalo madaxda gaar ahaan xarunta gollaha shacabka Puntland, Islamarkaana difaaca ugama aanu soo baxneyn bilaa sabab , Waxaana idin sheegayaa Wasiirku kuma uusan hadlin hadal xaqiiqo ah, “Ayuu yiri Siciid Dhagaweyne oo ah hogaanka xafiiska ciidanka kumaandoosta Puntland ee Danab.

Nuqul kamid ah Qoraal ciidamadu u gudbiyeen Barlamanka Puntland, ayaa lagu cadeeyay lacagaha ka maqan ciidanka difaaca,  taasoo cadadkeedu aad u badanyahay, waxaana waraaqdan oo soo gaartay GO muujinaysaa bilaha iyo cadadka kharashaadka ku baaqday dhinac dowladda.

Arrintan ayaa meesha ka saaray qoraalka wasaaradda maaliyadda Puntland oo sheegtay inaysan jirin lacag lagu leeyahay marka laga reebo bishii dhammaatay ee February, 2017.

Hadaba waxaad aad la isu weydiinayaa cidda ay ku maqantahay xuquuqda ciidamada, maadama aan la gaarsiin ciddii iska lahayd hay'adda u qaabilsan dowladdana ay sheegaynayso inay bixisay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM