Deeqaha Waxbarashada oo dowlada Federaalka kaligeed qaadato

Image

Qoraal saxaafada madaxa banaan heshay ayaa tibaaxaya qaabka deeqaha waxbarashada shacabka Somalida la siiyo u maamusho dowladda Federaalka iyadoo ku koobtey dadka khaas ah kuwaasoo qaarkood laga qaatey lacago laaluush ah kuwana lagu siiyo nidaam qabiileysan oo hayb-soocid ah.

Deqahaan ayaa sida shaxda hoos ku qoran ka muuqata ineysan gaarin gobolada kale ee Somalia, maamulka Puntland iyo Jubaland.

Deeqahaan waxbarsho oo la siiyey ardey gaareysa 300 ayaan haba yaraatee habayaraatee soo marin hab qaybsi ku saleysan nidaamka Dastuurka Somalia qeexayo iyadoo wararku sheegayaan arinkaan ku lug leeyahay musuq-maasuq baahsan oo gaarsiisan saraakiisha ka shaqeysa wasaaradaha Waxbarshada iyo Tacliinta sare lug weyn ku leeyihiin.

Soo shaac-bixida qoraalkaan ayaa ku soo beegamaya xilli dowlada Puntland maanta 20 August,2014 warmurtiyeed ku dalbeyneyso wadahadal dhexmara dowladda Federaalka kaasoo goob joog yihiin beesha caalamka.

GAROWEONLINE

Halkan ka riix qoraalkaan   -

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM