Puntland: Askar ku dhimatay Qarax ka dhacay Af Urur

Image

AF URUR, Puntland - Ugu yaraan 3 Askari oo katirsanaa Ciidamada Puntland ayaa ku geeriyootey, 14 kalena way ku dhaawacmeen Qarax xooggan oo goordhaw ka dhacay Suuqa Qaadka lagu iibiyo, oo ku yaalla deegaanka Af Urur, ee gobolka Bari. 

Goobjoogiyaal ayaa Warsidaha Garowe Online u xaqiijiyay in Qaraxa uu ka dhashay Miino lagu aasay Goob Qaadka lagu iibiyo, kaasi oo lala eegtay Askar halkaasi ku sugnaa, oo qaad ka iibsanayay.

Qaraxa kadib, waxaa deegaanka lagu soo weeraray Hoobiyaal, kuwaasi oo aan la ogeyn khasaaraha ay gaysteen, balse dadka deegaanka ayaa la sheegay inay argagaxeen markay maqleen madaafiicda.

Wali ma jirto ci sheegatay mas'uuliyada weerarka, balse Kooxda Al shabaab ayaa bishii June weerar culus oo Askar badan ay ku dhinteen ku qaadey Saldhiga Ciidamada Puntland ee Deegaanka Af Urur.

Af Urur wuxuu ku dhaw yahay Galgala, sidoo kalena waxa uu qiyaastii 100KM dhanka Konfur uga beegan magaalada Boosaaso, ee xarunta gobolka Bari.

Fahfaahinta Weerarka, kala soco Wararka dambe ee Garowe Online.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM