Deni iyo Axmed Madoobe oo ku wajahan magaaladda Muqdisho

Image

GAROWE, Puntland – Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubaland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam, ayaa qorshuhu yahay in ay Muqdisho u tagaan wadahadalada arrimaha doorashooyinka nagu soo fool leh.

Wadaxaajoodkan ay saaxiibada caalamka garwadeenka ka yihiin ayaa waxaa kasoo muuqan doona madaxweynaha waqtiga kasii dhamaanayo ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Warbixino qaar ayaa tibaaxaya in kulanka uu ka dhacayo xerada Xalane, fariisinka ugu weyn ee diblumaasiyiinta dalalka caalamka ee Soomaaliya.

Xogta ayaa intaas ku dareysa in meesha laga saarey qorshe uu Farmaajo ku tegi lahaa Garowe markii Deni iyo Axmed Madoobe ay go'aan ku gaareen in ay kawada degaan caasimadda.

Ma cadda hadii shirkaan yahay mid ku kooban saddex dhinac ama in ay gedaal kaga soo biiri doonan hogaamiyeyaasha Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle oo qayb ka ahaa natiijada shirka DhuusamareebIII.

Deni iyo Axmed Madoobe ayaa kasoo duulaya caasimada dowladda Puntland ee Garowe, halkaasoo ay maalmihii dambe kulamo ku lahayaeen.

Wadatashiga Garowe oo ay qeyb ka ahaayeen Senatoro ka tirsan Aqalka Sare ee federaalka iyo laba kamida madaxweyneyaashii hore ee Puntland ayaa looga arrin-saday aragti mideysan oo ay ka yeeshaan qadiyadan.

Puntland iyo Jubaland ayaa horey u qaadacay heshiiska aan loo dhameyn ee kasoo baxay Dhuusamareeb3, arrintaas oo Beesha Caalamka ku riixdey in ay bilaabaan waan-waan si loo helo hanaan ku yimid qaab wada ogol ah.

Diidmada labadan maamul ayaa salka ku haysa in dalku lahayn xukuumad rasmiya oo fulineysa heshiisyadda siyaasadeed ee laga gaaro nooca doorashooyinka iyo in Villa Soomaaliya ay burburisay go'aanadii Dhuusamareeb 1 iyo 2.

Muddo xileedka baarlamaanka haatan shaqeynaya ee Soomaaliya ayaa dhacaya November, 2020, halka madaxweynaha uu ka idlaanayo Febraayo, 2021. Wallow laga digay dheereysi, haddana ma muuqdo diyaar-garow doorasho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM

Puntland oo kalitalisnimo ku eedeysay madaxda federaalka

Madaxweyne Ku-Xigeenka dowladda Puntland ayaa si kulul uga hadlay hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya,

  • Puntland

    15-04-2024

  • 11:33AM