Deni oo sharaxaad ka bixiyey shirka uu kaga dhawaaqay Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wuxuu sharaxaad dheeri ah ka bixiyey Shirka Wadatashiga Puntland ee uu kaga dhawaaqay Boosaaso, xarunta gobolka Bari.

Kulankaas oo qorshuhu yahay in ay kasoo qeybgalaan dhamaan saamileyda Puntland ayaa 15-ka March ee sanadkan 2020 la qorsheeyay in uu ku qabsoomo magaala madaxda Garowe.

Deni ayaa sheegay in shirkaas lagu gorfeyn doono masiirka siyaasadda Puntland iyo ajandeyaasha heerka Qaran.

Isagoo hadalkiisa sii wata, madaxweynaha ayaa xusay in kulankaas lagu falanqeynayo sidii dadka Soomaaliyeed ee Puntland u adkeyn lahaayeen midnimada iyo dowladnimadooda.

Sidii looga guuri lahaa nidaamka beelaha ee 4.5 isla markaana loogu wareegi lahaa nidaamka dimuqraadiyadda ee dunida haatan kusoo biyo shubaatay ayuu xusay in lagu jeex-jeexi doono.

"Shirkaas waxaa dhici karta in wax badan laga fidiyey, laakiin waxa ugu weyn ee uu ka hadli doono waxa weye dadka reer Puntland danahooda in ay ka hadlaan; in xuduudahooda iyo degaanada ka maqan in ay ka hadlaan, in caqabadaha maamulka dhexdiisa ka jira in ay kaga hadlaan, in dadka sidda ay rabaan in Puntland u socoto in ay dadka is-kala hadlaan," ayuu ka sheegay daah-furka Carwada Ganacsiga Puntland.

Wuxuu intaas ku daray: "Marka waxaan rajeynayaa in shirkaas, oo waqtigii ku haboonaa yimid, dowladdu waxay diyaar u tahay in ay siddii ugu fiicnaa u qabato Insha Allah.

Madaxweynaha ayaa hadalkiisa kusoo afjray: "Shirkaan ma ahan shir gaar u ah dowladda, waa shir dadka reer Puntland oo dhan ay leeyihiin, waxaan rabnaa dadka reer Puntland in ay kawada qeyb-qaataan qabsoomidiisa haddey ahaan lahayd dhaqaale iyo abaabul, dadka u matalaayana u noqon lahaayeen dad arrintaas wax ka oran kara".

Bishaan Febraayo 7-deeda ayay ahayd markii madaxweyne Deni uu iclaamiyey shirkaan kadib shir degdeg ah oo Golaha Xukuumadda Puntland ay ku yeesheen Madaxtooyadda magaalada Boosaaso.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM