DF oo lagu eedeeyay "in ay ku lug-leedahay falal horseedi kara dagaal"

Image

GAROWE, Puntland – Dowladda Soomaaliya ayaa waxay howlan tahay falal horseedi kara dagaalo isla markaana xiriir la leh qadiyadda Somaliland, sidda uu shaaciyey madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.

Deni oo wareysi siiyey BBC-da ayaa dhaliilay qaabka haatan loo marayo wadaxaajoodyadda, isagoo tibaaxay in Puntland oo deris la ah maamulka Hargeysa aan laga talgelin aysana waxba kala socon.

Xilli uu ka dhawaajiyey in uu soo dhaweynayo xal ku yimaada wadahadal oo lagu dhameeyo arrimaha guud ee ka jira dalka, hadana Deni ayaa ka digay shirar daaha gedaashiisa ay ka wado xukuumadda federaalka.

Isagoo hadalkiisa sii wata, madaxweynaha ayaa tibaaxay in dowladda haatan jirta aysan waxba ka qaban karin arrinta maamulka Somaliland.

"Waan soo dhaweynayaa in lawada hadalo oo la xaliyo arrimaha guud ee dalka ka jira, laakiin wadada aan hadda maqlaayo oo Dowladda federaalka wado la leeyahay waddo saxsan ilama muuqato mana ahan middii xalka lagu gaari karay horeyna waan u sheegnay mowqifkeena cidda hadda ugu muhiimsan ee Somaliland ay wax ka dhaxeeyaan dhulka, xuduudka iyo meelaha ay ku muransan tahay waa Puntland wax aan kala socono waxyaabaha dhacaya ma jiraan; waxaan maqleynaa warar sheegaya in xukuumadda ay si hoose waxyaabo badan u waddo waliba aan heshiis laga ahayn oo ay dhici karto in ay dagaalo sababaan in ay ku guda jirto, marka arrinta Somaliland uma arko hadda xukuumadda hadda jirta arrin ay wax ka qaban karto, laakiin waan qabaa in laga wado hadlo waqti ay munaasab ku tahay si caqli ahna loo wajaho xal kama dambeys ahna laga gaaro," ayuu carabka ku adkeeyay.

Wadaxaajoodyadda dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ayaanan qabsoomin ku dhowaad lixdii sano ee lasoo dhaafay, waxaana maamulka Farmaajo ku guuldareystay in uu dib u bilaabo, sidda qorshuhu ahaa.

"Gacan dhaaf"

Ergayga Qaramada Midoobay u fadhiya Muqdisho, James Swan, ayaa horaantii bishaan u sheegay Golaha Ammaanka in wadahadalo heer sarre ah ay si hoose ugu socdaan Muqdisho iyo Hargeysa, wallow uusan fahfaahin.

Isagoo sharaxaya arrimaha dagaalka sababi kara ee dowladda federaalka waddo, Deni ayaa ku qeexay "gacan-dhaaf, la heshiinta beelaha si loogu bedesho dano kadib cadaadis iyo heshiis aan loo dhameyn".

Dowladda Puntland ayaa goor sii horeysay si furan u codsatay in laga dhex-geliyo wadahadalada maadaama ay deris la tahay Somaliland.

Inkasta oo illaa iyo haatan aysan jirin talogelin, Deni ayaa meesha ka saarey in maamulka ugu da'da weyn xubnaha federaalka Soomaaliya uu dano gaar ah ka dhex-eeganayo wadahadalka.

"Dabcan doorka Puntland; annaga ma rabno in aan qaadano waxay dowladda federaalka leedahay, masiirka dalka waxaan uga dambeynaynaa in dowladda federaalka hogaamiso, laakiin waxaan diyaar u nahay in aan qayb ka ahaano, wax talo ah oo nagala geliyey malahan, hadii nagala talogeliyo doorkeena waan qaadaneynaa, hadii Ilaahey idmo," ayuu kusoo xiray hadalka.

Puntland iyo Somaliland ayaa isku haya gacan ku haynta gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn, halkaas oo dhowr jeer ay ku dhex-mareen dagaalo sababay waxyeelo kala duwan, inkasta oo mudooyinkii dambe ay degan tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM