​Dhedo “Waan gubaynaa lacagta aan laga lahayn Puntland” [Dhagayso]

Image

BOSASO, Puntland- Jahwareer xoog leh ayaa ka jira suuqyada Puntland, kaasoo saamayn ku yeeshay nolosha dadweynaha iyo ganacsiga intaba, kadib markii la diiday lacagta shilling Somaliga ah qaybteed gaar ahaan midda duugga ah ee lagu daabacay meelaha ka baxsan deegaanada Puntland.

Tallaabadan oo ganacsatada qaybteed qaadatay kadib go’aan ay wada gaareen dowladda, maamulka gobolka Bari, Bangiga  dhexe iyo wasaaradda Maaliyadda Puntland, kaasoo lagu sheegay inaan la socod siin lacagta jilicsan ama duuga ah.

Arrintaas ayaa keentay in ganacsatada iyo sarriflayaashu kala saaraan guud ahaan lacagta iyagoo shacabka ku celinayay todobaadkii u dambeeyay lacagaha aan lagu daabicin gudaha Puntland.

Shacabka ku nool magaalooyinka waaaweyn gaar ahaan Garowe iyo Bosaso ayaa walaac xoog leh ka muujiyay qorshahan iyagoo dhigay bannaanbaxyo rabshada watay oo ay dowladda kaga codsanayeen inay wax ka qabato dhibaatadan iyo nolol xumada soo wajahday.

Inkastoo dowladdu aysan wali ka jawaabin qaylo dhaantaas oo aysan jirin shuruuc adag oo wax looga qabanayo cabashada dadweynaha, ayaa waxaa maanta mar kale war-saxaafadeed soo saarey maamulka gobolka Bari, kasoo lagu eedeeyay Sarriflayaasha islamarkaana loogu hanjabay in sharciga lala tiigsan doono ciddi jabisa hishiiska dhexmaray iyaga iyo dowladda.

Guddoomiyaha gobolka Bari ee Puntland, Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) oo ka hadlayay war-saxaafadeed ayaa tilmaamay in dowladdu  ka laabtay amar soo baxay todobadkii hore oo dhigayay in aan la qaadan lacagta duuga ah, taasoo sida uu ka marag kacay dhibaato hor leh keentay.

Balse wuxuu sii dabo dhigay hadalkaas inay gacan bir ah ku qaban doonaan Shilling Somaliga laga soo safriyo gobollada kale ee dalka, isagoo wacad ku maray in dowladdu gubi doonto lacagaha aan lagu daabicin gudaha Puntland.

Ganacsada iyo sariflayaasha ayuu ugu baaqay inay u damqadaan shacabka oo waddanka dhibka ka daayaan, cidii taas samayn wayda ay u aqoonsan doonaan Dambiile Qaran sida uu hadalka u dhigay Mudane Dhedo.

Guddoomiyaha gobolka Bari, ayaa sidoo kale sarriflayaasha ku wargaliyay inay maalinta Khamiista ah u tagaan guddiga amniga gobolka si wax looga weydiiyo dhibaatada ka taagan magaalada Bosaso.

Xaalad adag ayaa ka taagan suugyada Puntland, waxaana la kala soocayaa Shilling Somaliga, taasoo keentay in dad badan maarayn kari waayaan noloshooda.

Tallaabadan ayaa timid muddo yar kadib markii xukuumadda Madaxweyne Gaas daabacday lacag faalso ah, taasoo laga diiday qaybo kamid ah Bartamaha iyo Koonfurta Somalia, waxaana dadka la socda dhaq-dhaqaaqa dhaqaalaha Puntland ay sheegayaan inay sabab u tahay waxyaabaha hadda ka soconaya magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM