Dib u dhac ku yimid dhismaha Garoonka Diyaaradaha Garowe

Image

July 4, 2015 (GO)- Sida muuqata, waxaa dib u dhacay mashruucii lagu dhisi lahaa garoonka diyaaradaha magaalo madaxda Puntland ee Garowe iyo Jaamacadda Maakhir ee magaalada Badhan, kaas oo qorshuhu ahaa in uu si rasmi ah u bilowdo bisha October ee soo socota.

Mashruucan oo muddo dheer laga soo shaqeynayey waxaa dhaqaalaha ku baxaya ku deeqday Dowladda Kuwait iyadoo soo marsiineysa hay'adda dhanka horumarinta dalkaas u qaabilsan ee Kuwait Fund.

Dhowr arrimood ayaa lagu sababeyn karaa dib u dhaca, balse kahor inteynan faah faahin arrimahaas, aan wax yar idinka xusuusino marxaladihii kala duwanaa ee uu mashruucaasi soo maray iyo dadaalkii dheeraa ee loo soo galay.


Goorma ayuu soo bilowday mashruucu?

December 2010, waxaa dalka Kuwait booqasho rasmi ah ku tegey Madaxweynihii hore ee Puntland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Farole), wuxuuna halkaas kulan kula soo qaatey Amiirka Kuwait Sheikh Sabah Al-Ahmad Al-Jaber Al-Sabah.

Booqashada Farole ee Kuwait waxaa sabab u ahaa wafdi ka socda Kuwait oo isugu jirey mas'uuliyiin dowladda dalkaas ka tirsan, ganacsato iyo xubno metelayey Sanduuqa Horumarinta Kuwait (Kuwait Fund), kuwaas oo horraantii sanadkii 2010 soo gaarey Puntland.

Mudane Farole wuxuu Amiirka Kuwait kala hadlay arrimo badan, waxaase ugu muhiimsanaa in uu ka codsaday sidii Puntland looga taageeri lahaa horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha.

Ballan-qaadyadii xilligaas  Amiir Sabah uu sameeyey waxaa kamid ahaa in Dowladda Kuwait ka saacidi doonto Puntland dhismaha Garoonka Garowe iyo Jaamacadda Maakhir, waxana arrintaas loo xil saaray Sanduuqa Horumarinta Kuwait ee magaciisa loo soo gaabiyo Kuwait Fund.

October 7, 2013 ayey Puntland iyo Kuwait si rasmi ah u kala saxiixdeen heshiis ku saabsan mashruuca dhismaha Garoonka Garowe iyo Jaamacadda Maakhir. Dhanka Puntland, waxaa heshiiska u saxiixay Faarax Cali Sire o ahaa wasiirkii maaliyadda ee xilligaas, halka dhanka Kuwit uu u saxiixay Agaasime ku-xigeenka Kuwait Fund Hamad Sheikh Al-Omari.

Sidoo kale waxaa kulankaas goob joog ahaa wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Puntland Cabdullaahi Jaamac Ilko-jiir, xilligaasna ahaa wakiilka gaarka ah ee Puntland u qaabilsan diyaarinta iyo xiriirinta mashaariicda ay Kuwait ka hirgelineyso Puntland.

Markii ay talada Puntland la wareegtey dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxaa bilowday dadaal ku aaddan sidoo loo dhameystiri lahaa mashruucaas, waxaana lasii ambaqaaday hawlihii isugu jirey qiimeynta, diyaarinta iyo fulinta mashruuca.


Daah-furkii Tartanka Qandaraaska

March 22,2015, waxaa magaalada Dubai lagu daah furay tartanka qandaraaska dhismaha Garoonka Diyaaradaha Garowe iyo Jaamacadda Maakhir, munaasabaddii daah-furka waxaa ka qayb galay mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda Puntland oo ay kamid yihiin: Wasiirkii Hore ee Maaliyadda [haddase ah Wasiirka Qorsheynta] Shire Xaaji Faarax, Wasiirka Duulista iyo Garoomada Xasan Xaaji Siciid, hayada wakiilka uga aheyd Kuwait Fund mashruucaan.

Shirkado toban ku dhow ayaa soo codsaday qandaraaska, waxaase laga xushay saddex shirkadood oo tartanka la dhex dhigay. Shirakadaha waxaa lagu qiimeynayey arrimo ay kamid yihiin: khibraddooda dhanka shaqada, qalabka iyo shaqaalaha ay haystaan, kharashka ay soo dalbadeen iyo awoodda ay u leeyihiin inay ka dhex shaqeeyaan Soomaaliya.

Weli lama shaacin natiijada tartanka iyo shirkadda sida rasmiga ah ugu guuleysatey in la siiyo qandaraaska.

Maxaa keenay dib-u-dhaca?

Shirkaadaha qandaraaska kasoo ka qayb galay waxey dalbadeen lacag ka badan intii horay Dowladda Kuwait u ballan qaadey tasoo sababtey in hay'ada Kuwait fund ku dhawaaqin shirkada ku guuleysatey qandaraaskaan.

Wejiga koowaad ee mashruuca waxaa ku bixi lahaa dhaqaale gaaraya lix milyan oo doolar, balse shirkadaha qandaraaska loo bandhigay ayaa doonaya inta dhexeeya 8 ilaa 12 milyan oo doolar.

Garowe Online ayaa fahansan in jiraan warar sheegaya in qandaraaska shirkadahaan lacaga tirada badan ku dalbadeen loo sababeynayo in dowlada madaxda ka yahay madaxweyne Gaas si rasmiya mas'uuliyad isaga saarin shirkadaha soo dalbanaya dhismaha garoonka Garowe.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in shirkadahii soo dalbadey dhismaha Jaamacada Baran lacagtii loogu talagely soo codsadeen balse aan lagu dhawaaqin shirkada qandaraaska ku guuleystey.

Madaxweynaha dowlada Puntland ayaa khudabadii uu ka akhriyey xafladii Kowda July ee lagu qabtey xarunta madaxtooyada ee Garowe aan xusin gabi ahaanba waqtiga uu bilaamayo dhismaha garoonka diyaaradaha Garowe iyo in qorshihiisa ku jirto isaga oo xusey kaliya dhameystirka garoonka Bosaso iyo mashruuc la sheegey in lagu balaarinayo dakada Bosaso. HALKAN KA DHAGEYSO

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM