Dib-u-eegista dastuurka Soomaaliya oo lagu baaqay in dib loo dhigo

Image

GAROWE, Puntland – Shirweynaha Wadatashiga Puntland oo maanta lasoo gabagabeeyay ayaa wuxuu ku baaqay in dib loo dhigo hanaanka dib-u-eegista ee dastuurka ku meel-gaarka ah ee Soomaaliya.

War-murtiyeed laga soo saarey madasha oo saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ka socotay xarunta Jaamacadda Dowlada Puntland ee Garowe ayaa lagu caddeeyay sababaha loo cuskanayo codsigaas.

In ka badan kun ergo oo isugu jirta madax, siyaasiyiin iyo dhaqan ayaa ka qeybgalay madashaas oo isugu jirtay khudbado iyo dood kooxeedyo ah lagu lafaguray xaalada guud ahaan ee waddanka.

"Maadaama hanaankii dib-u-eegista dastuurka la baalmaray, maadaama si ola-kac-ah looga tegay xubnihii dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka uga qeyb-geli lahaa Guddiga madaxa banaan ee dib-u-eegista dastuurka, maadaama uusan harin waqti si waafi ah loogu faragursan karo lana fulin karo arrimaha aas-aaska u ah dastuurka sidda; is-waafujinta dastuurada iyo aftida dadweynaha, Shirweynaha Wadatashiga Puntland wuxuu ku baaqayaa kuna adkeynayaa dowladda Puntland in dib-u-eegista dastuurka dowladda federaalka ah ee Soomaaliyeed dib loo dhigo illaa iyo mudada xileedka dowladda imaaneysa kadib doorashadda 2020-21 si loogu helo waqti waafi ah iyo wadatashi buuxa," ayaa lagu yiri war-murtiyeedka.

Baaqaan ayaa kusoo aadaya iyaddoo dowlada Farmaajo lagu eedeeyay in ay isku koobtay qabyo-tirka axdiga qaran isla markaana su'aal la gelinayo in la dhameystiri karo kahor doorashada 2020-21.

Wallow la sheegay in uu madmadow ku jiro, dastuurka ku meelgaarka ah ee haatan waddanka ku shaqeeyo waxaa la ansixiyey sanadkii 2012-kii.

Dhameystirka dastuurka ayaa kamid ah arrimaha muhiimka u ah doorashooyinka aan wali leysku raacin nidaamka lagu galayo ee qorshuhu yahay in ay dhacaan sanadka dambe, taas oo u baahan wada-ogol.

MUUQAALKA MADASHA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM